AF-SOOMAALI

Kenya oo ku gu­u­leysa­tay kur­siga Go­laha Am­niga ee UN


Kenya ayaa ku gu­u­leysa­tay kur­siga Go­laha Am­niga ee UN kadib markii ay ku garaac­day Jabuuti wa­reega labaad ee codeynta oo dhac­day Khami­is­tii maanta.

Tar­tankii u dhex­eeyey Kenya iyo Jabuuti ayaa u gud­bay wa­reegii labaad ee codeynta maanta, kadib markii wa­jiga koowaad gu­ushii Nairobi aysan ku fil­neyn in ay ku gu­u­leysato kur­siga Qara­mada Mi­doobay.

Markii 191 kamid ah 193 dal ay codeey­een, Kenya waxay ka he­s­hay 129 cod, halka Jabuuti ay ka he­s­hay 62 cod.

Tal­laabadan waxay ka dhi­gan tahay in Nairobi, laga bi­laabo Janaayo 2021, ay ka no­qoto xu­bin awood badan ku la­haan doonta UN. In­dia, Mex­ico, Ire­land iyo Nor­way ayaa maal­in­tii ar­ba­cada sidoo kale helay kur­si­gan.

Kur­si­gaan wuxuu kaloo Kenya ka saaci­dayaa inay ku lug yee­lato go’aa­mada cu­naqa­bataynta, og­golaan­shaha adeegsiga xoogga si loo ilaaliyo nabadda iyo sidoo kale xu­lashada gar­soorayaasha Maxka­madda Caalamiga ah ee Cadaal­adda. Iyada oo kaashaneysa shanta xub­nood ee joog­tada ah ee leh awoodda di­id­mada qayaxan (Rus­sia, UK, US, China iyo France).

Kenya waxay ku bi­iri doon­taa sagaal xub­nood oo kale oo aan joogto ahayn wax­ayna heli kar­taa fur­sad ay ku maa­musho fad­hiyada Go­laha, oo ah fur­sad saameyn ku leh ajen­daha go­laha.

Sida ku xu­san Xeerka Nidaamka Go­laha Guud, murashaxi­inta doon­aya kursi aan joogto ahayn Go­laha Am­niga ee Qara­mada Mi­doobay waa inay helaan ugu yaraan sad­dex meelood labo meel dalalka codeeya. 192 dal ayaa cod­kooda dhi­ib­tay taa­soo la micno ah in gu­u­leysteyaashu ay helaan ugu yaraan 127 cod ama in ka badan si loogu dhawaaqo inay gu­u­leysteen.

Goob­joogayaasha ayaa shee­gay in tar­tanka Jabuuti ee ka dhanka ah Kenya uu khatar gelin karo xiri­irka wada shaqeynta ee ka dhex­eeya labada dowladood.

“Xaqi­iqda in laba dal oo ka socda urur gob­oleedka IGAD ay u tar­ta­mayaan kursi xu­bin aan joogto ahayn oo ka tir­san UNSC waxay tilmaan u tahay kala qayb­sanaanta qo­tada dheer ee u dhex­eysa dalalka xub­naha ka ah urur-hoosaadka IGAD. Mustafa Y Ali,” oo ah Gu­doomiyaha Machadka Caalamiga ah ee Daraasaadka Is­ti­raati­ijiyadda ayaa yidhi.”