AF-SOOMAALI

Jub­bada Hoose oo lagu soo band­hi­gay saraakiil ka soo goostay Al-shabaab


Saraaki­isha ci­idamada xoogga dalka Soomaaliy­eed ee ka howl­gala gob­olka Jub­bada Hoose ayaa war­baahinta u soo band­hi­gay sarkaal ka tir­sanaa Al-shabaab oo uu wehliyo mid ka mid ah da­gaala­mayaasha Ururka.

Sarkaalkan soo goostay ayaa la shee­gay in uu ahaa waki­ilkii Al-shabaab u qaa­bil­sanaa dee­gaanka lagu ma­g­a­caabo Xaaji Muuse oo ka tir­san gob­olka Jub­bada Hoose.

Hadalka kooban oo uu war­baahinta u jeediyay ayuu shee­gay in uu is­aga soo baxay Ururkii uu ka tir­sanaa ee Al-shabaab, is­aga oo bal­an­qaa­day in wixii hada ka dambeeya uu ka mid no­qon doono sha­cabka Soomaaliy­eed, lana shaqeyn doono dowladda.

“Maanta wixii ka dambeeya wax­aan si cad u shee­gayaa in aan ka bax­nay fikirkii Al-shabaab, Shabaab wax­aan ka tir­sanaa Sideed sano, wax­aan ka soo qeyb qaatay da­gaalo badan, wax­aan je­cla­hay in­aan la shaqeeyo dowladda, sha­cabkana ka mid no­qdo, ” ayuu yiri sarkaalka ka soo goostay Shabaab.

Taliyaha Ururka 58-aad, Gu­u­tada 11-aad ee qeybta 43-aad ci­idanka xoogga dalka, Laba xi­digle C/​fi­taax Ibraahim Max­amed ayaa war­baahinta u shee­gay in Tu­u­lada Muuse Xaaji ay kula da­galameen ururka Al-shabaab, wax­aana uu tilmaa­may inay ka dileen 11 da­gaalame.

Sidoo kale Taliyaha waxaa uu shee­gay in gacanta ci­idamada xoogga dalka uu isku soo dhi­ibay sarkaalkii Tu­u­lada Muuse Xaaji u qaa­bil­sanaa Al-shabaab.

Ci­idamada xoogga dalka ayaa maalma­han waxa ay hawl­gallo ka dhan ah ururka Al-shabaab oo joogto ah ka wadaan de­gaanada iyo tu­u­looyinka ka tir­san gob­olka Jub­bada Hoose.