AF-SOOMAALI

In ka badan 50-Gaari iyo Warshad Dhismo oo maanta lagu wareejiyay gobolka Banaadir


Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Turkiga Veysi Kaynak oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa maamulka gobolka Banaadir ku wareejiyay in ka badan 50-gaari oo isugu jira nuucyada waa weyn iyo cagaf cagafyo

Dowlada Turkiga ayaa sidoo kale maamulka gobolka Banaadir ku wareejisay Warshada nuuca dhismaha ah oo loogu tala galay in lagu horumariyo bilicda caasimada Soomaaliya ee Muqdisho .

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga Veysi Kaynak ayaa sheegay in dowladiisa ay mar walbo garab taagan tahay dowlada iyo dadka Soomaaliyeed, waxa uu sheegay gaadiidka iyo Warshada gobolka Banaadir ku wareejiyeen ugu tala galeen in lagu hor mariyo Caasimada Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo gaadiidka iyo warshada Dhismaha ka gudoomay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga Veysi Kaynak ayaa uga mahad celiyay Dowlada Turkiga taageerada ay u fidisay, waxa uuna balan qaaday in qalabkan wax badan looga qaban doono horumarka Muqdisho.

Dowlada Turkliga ayaa gacan weyn ka geesatay dhismaha iyo horumarka hada ka jira magaalada Muqdisho, waxa ayna dowlada Turkiga dhistay wadooyin badan oo kuyaala Muqdisho , waxa ay sidoo kale Muqdisho ka hirgalisay mashaariicyo kala duwan.