AF-SOOMAALI

Il­haan Cumar oo ka mid no­qo­tay Con­gress-ka Mareykanka


Il­haan Omar ayaa no­qoneysa qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo Qax­oo­tin­imo ku taga dalka­asi Mareykanka oo ka mid no­qota Aqalka Con­gress-ka, waxaa ay gu­ushaasi ka gaar­tay doorashad­dii dhexe ee Mareykanka ee sha­lay dhac­day.

Waxaa ay badashay Il­haan Cumar Keith El­li­son oo ahaa mus­limi­inkii ugu hor­reeyay ee ka mid no­qdo Aqalka Con­gress ,is­la­markaana ka soo galay dhanka Min­nesoto.

Waxey sameysay taari­ikh weyn madaama ay no­qoneyso qofkii ugu hor­reeysay ee Soomaali ah mis­ana loo doorto Con­gress-ka Mareykanka.

Waxaa ay sidoo kale no­qon­aysaa mid ka mid ah haweenka ugu hor­reeyay ee Mus­limka ah ee loo doorto Con­gress-ka.

Waxa ay ka so­co­tay Xis­biga Di­mo­qraadiga ah, wax­aana la aamisan ya­hay in gu­usha Il­haan ay soo dede­jisay Cad­daadiska lagu haayo dadka Mus­limi­inta ah ee kunool dalka Mareykanka.

Il­haan Cumar oo 35 sano jir ah ayaa taari­ikh sameysay ka dib markii ay no­qo­tay qofkii ugu hor­reeyay oo Soomaali ah oo xild­hibaan ka no­qdo dalka Maraykanka sanad­kii 2016-kii.

Waxay Soomaaliya ka qax­day xil­ligii da­gaalka so­ke­eye iyadoo 8 sano jir ah, muddo afar sano ay­eey ku noo­leyd xer­ada qax­ootiga ee Dhad­haab, iyadoo Maraykanka tag­tay 12­keedii.