GLOBAL NEWS

Gud­doonka Baar­la­maanka oo lagu eedeeyay ku xadgudubka Das­tu­urka & Xeer­arka Baar­la­manka


Ar­baco, Abriil 22, 2015 — Gud­doomiyaha gudiga ar­rimaha dibadda ee bar­la­maanka So­ma­lia, Xild­hibaan C/​Qaadir Cosoble Cali ayaa ku eedeeyay gud­doomiyaha baar­la­maanka So­ma­lia, Max­amed Sh. Cus­maan Jawaari iyo ku xigeen­nadi­isa inay ku xad-gudubeen xeer-hoosaadyada u yaalla baar­la­maanka iyo das­tu­urka Qaranka; is­a­goo xusay inay ra’yi­gooda u adeegsadaan go’aan ka gaarista xeer­arka qaarkood, iya­goo cuskanaya xilka ay um­madda u hayaan.

Xild­hibaan Cosoble ayaa shee­gay inuu qo­raal uu kaga hada­lyo ar­rin­tan uu u di­ray madaxda sare ee dalka, kaa­soo uu kaga cod­sa­day xuku­umadda in ay si­iso bul­shada gob­alka Ba­naadir ku nool ay helaan xuquuq la mid ah tan sha­cabka ku nool 18-ka gobol ee Soomaaliya ay ka kooban tahay.

Sidoo kale, wuxuu xild­hibaanku ku doo­dayaa in gob­olka Ba­naadir uu ka mid ya­hay 18–ka gobol ee dalka ka jira, sha­cabka da­ganna ay leey­i­hiin xuquuq dus­tu­uri ah; ayna tahay in la dhageysto ra­bitaankooda.

Hadd­aba, Akhriso Nuqul­lada Eedeynta uu Jee­d­i­nayo Xild­hibaan Cosoble Cosoble; Guddoomiye_2