AF-SOOMAALI

Go­laha wasi­ir­rada Jub­ba­land oo an­sixiyay xeerka gudiga madaxa ban­naan ee xudu­u­daha iyo Doorashooyinka Jub­ba­land


Ku­lanka ay maanta yeesheen go­laha wasi­iradrada Jub­ba­land oo uu shir gu­doom­i­nayay Madaxwey­naha Jub­ba­land Mu­dane Axmed Max’ed Is­laam ayaa waxaa looga doo­day xeerka gudiyada madaxa ban­naan ee xudu­u­daha iyo doorashooyinka Jub­ba­land

Go­laha ayaa dood dheer kadib waxaa ay cod u qaadeen an­six­inta xeerka, ayadoo ay wasi­iradu cod gacan taag ah ku an­sixiy­een gudiyada madaxa ban­naan ee doorashooyinka iyo xudu­u­daha Jub­ba­land.

Ku­lanka markii uu soo id­laa­day waxaa sax­aafadda la had­lay wasi­irka wasaaradda war­faafinta, is­gaar­si­inta iyo Tiknooli­jiyadda Jub­ba­land Mu­dane Cabdi Xuseen Sheekh Max’ed is­a­goo shee­gay in xeer­arka maanta la an­sixiyay ay dowladdu waqti badan ge­lisay sidii ay xeer­arkani u no­qon la­haay­een kuwo sal u ah howlaha gudiyada doorashooyinka iyo xudu­u­daha Jub­ba­land.