GLOBAL NEWS

Go­laha Wasi­irada oo ma­g­a­caabay Taliyeyaasha Ci­idamada Booliska iyo Aslu­ubta


Go­laha Wasi­irada Soomaaliya ayaa maanta shir ay ku yeesheen ma­g­a­al­ada Muqdisho ku ma­g­a­caabay Taliyeyaasha Ci­idamada Booliska iyo Aslu­ubta, iyadoo tal­laabadan ay qeyb ka tahay is be­del guud oo lagu samey­nayo Hogaanka Ci­idamada.

Ku­lanka Go­laha Wasi­irada oo uu shir gu­doom­i­nayay Ra’i­isul Wasaare Cumar Cab­di­rashiid, wax­aana qodobada looga had­lay ka mid ahaa ar­rimaha am­maanka iyo horu socod si­inta dalka.

Go­laha Wasi­irada ayaa la hor keenay ma­g­a­caabista Taliyeyaasha Booliska iyo Aslu­ubta, wax­aana dood kadib ay isku raaceen soo jeed­inta Taliyaha Ci­idanka Booliska in loo ma­g­a­caabo Jen, Max­amed Sheekh Xasan Xaa­mud oo ho­ray u ahaa Wasi­irkii hore ee Gaashaand­higa.

Sidoo kale waxaa Taliyaha Ci­idamada Aslu­ubta loo ma­g­a­caabay Jen. Bashiir Max­amed Jaa­mac (Bashiir Goobe) oo ahaa Taliy­i­hii hore ee Nabadsug­ida iyo Sir­doonka Soomaaliya.

Taliyaha cusub ee ci­idanka Booliska Jen, Max­amed Sheekh oo sidoo kale ho­ray u soo qab­tay Taliyaha Sir­doonka Soomaaliya, waxaa uu xilka kala wa­ree­gayaa Ku simaha Taliyaha Booliska Jen. Cus­maan Wehliye Gas-Gas oo xilkaas loo dhi­ibay markii uu geeriy­oo­day sanad­kii hore Taliy­i­hii hore ee Booliska Jen. Max­amed Faarax Is­maaciil.

Warar soo bax­aya ayaa shee­gaya in sidoo kale is be­delka Taliyeyaasha Ci­idamada ay qeyb ka yi­hiin Taliyeyaasha Mi­la­teriga iyo Nabadsug­ida, inkas­too aan ku­lankii Go­laha Wasi­irada lagu soo qaadin, hase ahaa­tee waxaa la shee­gayaa in dib loo dhi­gay ma­g­a­caabis­tooda.

Ma­g­a­caabis­tan Taliyeyaasha Booliska iyo Aslu­ubta ayaa ku soo aadeysa, iyadoo la hadal hayay is be­delo guud oo lagu samey­nayo Hogaanka Ci­idamada.