GLOBAL NEWS

Go­laha Wasi­irada oo isku raa­cay in la dhiso guddi ka shaqeeya isku dhafka Ci­idamada Qaranka


Go­laha Wasi­iradda Xuku­umadda Fed­er­aalka Soomaaliya, ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa, wax­aan shir gu­doom­i­nayey ku-simaha Ra’i­isul Wasaaraha ahana Wasi­irka Cadaal­adda mu­dane Cab­dul­lahi Axmed Ja­mac (Ilka jir), wax­aana shirka looga had­lay Ar­rimaha Am­niga Dalka, Isku Dhafka Ci­idamada Xooga iyo Gudiga Hagida Maa­mulka Maaliyada,

Ugu ho­rayn­tii Wasi­i­irka Am­niga, ayaa shee­gay inay dadaalo badan oo lagu sug­ayo am­niga laga sameeyey caasi­mada, iyo gob­o­lada dalka, wax­aana iska kaasha­day ci­idamada dowlada iyo kuwa AMI­SOM. Wasi­irka ayaa shee­gay iney muhiim tahay wada shaqayn joogta oo ay yee­shaan hay’adaha dowlada iyo sha­cabka lagu sugi karo xal u he­lida ar­rimaha am­naanka.

Sidoo kale Wasi­irka Maaliyada, ayaa war­bixin ka si­iyey habka ay u shaqay­nayaan gudiga Maa­mulka Hagida Maaliyada oo loo xil saaray daba­galka qan­daraasayada ay dowladdu bix­iso iyo waxyaalaha ay dowladdu soo iib­sato.

Wasi­irka, ayaa shee­gay in gudigu uu dib u eegis ku samay­nayo qan­daraasayadii ho­ray loo galay kuwaas oo qaarkood la ogaa­day in­eysan dhamay­stir­nayn, dood dheer ka dib go­laha ayaa si KMG ah u an­sixiyey inuu shaqeeyo gudiga Maa­mulka Hagida Maaliyada, inta laga an­six­i­nayo hindise shar­ciy­eedka iibka qaranka oo ho­ryaala baar­la­maanka.

Dhanka kale Wasi­iru dowlaha Wasaarada Gaashaand­higa, ayaa go­laha uga war­bixyey halka uu marayo qor­sha isku dhafka ci­idamada xooga dalka.

Wasi­irka, ayaa xusay in ay hada ji­raan ci­idamo ku kala firir­san gob­o­lada qaarkood oo mushaar iyo qalba ay si­iso wasaarada gashaand­higa. Maleeshiy­ooyin beeleedyo, iyo ci­idamo ay gaar u leey­i­hiin maa­mul gob­oleedyada ka jira dalka, sidaas daraadeedna loo baa­han ya­hay in la mideeyo dhamaan ci­idamadaas.

Soo jeed­inta wasi­irka marka goluhu uu dood ka yee­shay, ayaa la an­sixiyey dhis­maha gudiga isku dhafka ci­idamAda qaranka in laga soo xulo dhamaan gob­o­lada dalka, si loo helo ci­idan qaran.