AF-SOOMAALI

Ga­roonka diyaaradaha Ga­roowe oo loo diyaarin­nayo in uu shaqeeyo habeen iyo maalin


Punt­land ayaa shacisay qor­she lugu doon­ayo ga­roonka diyaaradaha ma­g­a­al­ada Ga­roowe ee Jen. Max­amed Ab­shir Muuse in uu shaqeeyo habeen iyo maalin, taaso ka dhigeysa ga­roonkii ugu hor­reeyay ee Punt­land oo shaqey­naya labo xilli.

Madaxwey­naha Punt­land, Cab­di­weli Max­amed Cali Gaas ayaa tod­dobad­kii hore dha­gax-dhi­gay mashruuc layr loogu sameenayo ga­roonka diyaaradaha, kaas oo sura­galin­naya ga­roonka diyaaradaha Ga­roowe , inuu shaqeeyo habeen iyo maalin, sida lugu shee­gay war-sax­aafadeed ay baahisay madax­tooy­ada Punt­land.

“Sawirka runta ah waxaa bix­in­naya markii laga soo deggo waa ga­roonka, marka wax­aan rab­naa ga­roonka caasi­madda inuu qurx­oon­aado, wanaagsanaado, nal leeya­hay, ji­dad fi­ican leeya­hay.” ayuu yiri madaxwey­naha Punt­land oo u ma­had­celiyay cid walba oo ka qey­bqaa­datey ho­ru­mar­inta ga­roonka diyaaradaha.

Mashru­uca nalalka cad­ceeda ku shaqeeya ee laga hir­galiyay ga­roonka diyaaradaha ee Ga­roowe ayaa qeyb ka ah day­ac­tirka lugu sameeyay oo hadda gabagabo maraya, sida ay sheegeen mas’u­uliyi­inta ga­roonka.