AF-SOOMAALI

Fanaaniin caan ah oo Maanta si di­ir­ran loogu soo dhaweeyay Ma­g­a­al­ada Kismaayo


Fan­naani­inta kala ah; Max­amed Xasan Xuseen [Lafoole], Shi­maali Axmed Shi­maali, Si­id­dii Cali Winkey, Fanaan­nada Umu Shariif iyo Fan­naaniin kale ayaa maanta ka­soo da­gay Ga­roonka Diyaaradaha Ma­g­a­al­ada Kismaayo ee Xarunta Gob­olka Jub­bada Hoose.

Fan­naani­in­tan oo u yimid Kismaayo si ay uga qey­b­galaan xafladda caleemo-saarka madaxweey­naha Juba­land ayaa waxaa si di­iran ugu soo dhaweeyay ga­roonka diyaaradaha ma­g­a­al­ada Kismaayo, qey­baha kala duwan ee bul­shada reer Kismaayo, kuwaa­soo rux­ayay calanka as­taanta qaranka Soomaaliya iyo kan maa­mul gob­oleedka Jub­ba­land.

Fan­naani­in­tan oo war­baahinta kula had­lay ga­roonka Kismaayo ayaa waxa ay sheegeen in ay aad ugu faraxsany­i­hiin in ay yi­maadaan ma­g­a­al­ada Kismaayo.

Fan­naani­inta ayaa waxa ka muuqatay sida ay ugu faraxsanaay­een imaatinkooda Kismaayo, iya­goo shee­gay in ay aad ula dhaceen sida di­iran ee ma­g­a­al­ada Kismaayo loogu soo dhaweeyay.

12-ka bis­han ayaa la fi­layaa in ma­g­a­al­ada Kismaayo ay ka dhacdo xafladda caleemosaarka madaxweey­naha Jub­ba­land, taa­soo ay ka qey­bqaadan doon­aan ma­su­uliyiin kala duwan oo ka iman doona qaar ka mid ah maa­mul gob­oleedyada dalka iyo weliba xubno ka iman doona bee­sha caalamka.