AF-SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saar­tay weer­arkii cus­laa ee sha­lay ka dha­cay Baar-San­gu­uni


Dowladda Soomaaliya ayaa sheeg­tay in ay si­weyn u cam­baareyneyso weer­arkii cus­laa ee Aroorn­i­madii hore ee Is­ni­in­tii sha­lay Al-shabaab ku qaadeen fari­isimaha ci­idamada dowladda iyo kuwa maa­mul gob­olleedka Jub­ba­land ee dee­gaanka Baar-San­gu­uni oo Waqooyi ka xiga ma­g­a­al­ada Kismaayo ee gob­olka Jub­bada Hoose.

Dowladda ayaa sheeg­tay in weer­arkaasi uu ahaa mid ci­idamada dowladda iyo kuwa Jub­ba­land ka sii war-hay­een lagu-na jabiyay xoogag­gii weer­arka soo qaa­day oo markii hore ku bi­laabay weer­aarkooda gadiid laga soo bu­uxiyay walx­aha Qarxa.

“Guul- darro weyn ay­eey kala kul­meen Al-shabaab da­gaalkii sha­lay ka dha­cay Baar-San­gu­uni wali-na ci­idamada oo iskaashanaya waxaa ay ku raad joogaan firx­adka koox­i­hii weer­arka soo qaa­day ayaa lagu shee­gay Warka ka soo baxay dowladda Soomaaliya.’’

Aadan Isaaq Cali oo ah ku-simaha xilka Wasi­irka Wasaaradda War­faafinta dowladda Soomaaliya ayaa shee­gay in weer­arkii sha­lay ee Baar-San­gu­uni lagu di­lay 87 da­gaalya­han oo ka tir­san Al-shabaab.

Waxaa uu in­taa ku daray in ci­idamada dowladda iyo kuwa Jub­ba­land u su­urta-gashay in ay dib ula wa­ree­gaan gacan ku heynta sald­hi­gyadii lagu da­gaala­may, taa­soo mac­na­heedu no­qonyo in Al-shabaab markii hore u su­urta­gashay in ay qab­sadaan sald­hig-yada ay ku sug­naay­een ci­idamada dowladda iyo kuwa Jub­ba­land.

Al-shabaab dhi­na­cooda Afhay­een u had­lay waxaa uu shee­gay in weer­arka oo ahaa mid qor­sheysan ku dileen 27 Askari oo ka tir­sanaa ci­idamadii ku sug­naa sald­hi­gay Baar-San­gu­uni.