GLOBAL NEWS

Dowladda Soomaaliya oo ka Dal­batay Kenya inay Dib u Furto Xawaal­adi­hii ay Xayir­tay


Sabti, Abriil 18, 2015 (HOL) — Dowladda So­ma­lia oo markii ugu hor­reysay ka hadashay cu­leyska ay xuku­umadda Kenya ku heyso Soomaal­ida dal­keeda ku nool, kaddib markii uu dha­cay weer­arkii lagu qaa­day Jaa­macadda Garissa ee lagu di­lay 148-ka qof, ayay dhigeeda ka cod­sa­tay inay dib u furto shirkadaha xawaal­adaha Soomaal­ida ee ay xayi­raadaha ku­soo rog­tay dhawaan.

“Xukuumadda Somalia waxay uga mahad-celinaysaa dowladda Kenya oo tan iyo sannadkii 1991-kii magan-gelyo siinaysay qoxootiga Soomaliyeed ee ku qulqulayay dalkeeda, kuwaas oo ka cararay colaadihii sokeeye ee Somalia ka dhacay iyo weerarrada argagaxisada. Waxaana mahad middaas la mid ah u jeedinaynaa dalalkii muddadaas dheer daryeelka u fidiyay Qoxootigaas,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda Somalia.

Sidoo kale, qo­raalkaas waxaa lagu shee­gay in dowladda Kenya iyo Bee­sha Caalamka ay mas’u­uliyadi ka saaran tahay ilaal­inta iyo dary­eelka qox­ootiga Soomaaliy­eed ee Dhad­haab ku nool, maadaama aanay waxba is­aga be­delin xaal­adda guud ee am­maanka dalka.

“Inkas­too la-da­gaalanka ar­gag­ix­isadu uu wax weyn ka be­de­lay da­reenkii is-je­ceylka dhanka bini’aadamn­i­mada ee caalamka, had­dana waxaa lama hu­raan ah in dowladaha iyo bul­shada ad­du­unka yee­shaan samir, dulqaad & awood ay ku kala saaraan dambi­ilaha & dul­manaha,” ayay xuku­umadda So­ma­lia ku tiri qo­raal­keeda.

Waxaa kaloo qo­raal­keeda ay ku tiri xuku­umadda Soomaaliya wax­aanu helay­naa war­bix­inno naxdin leh oo la xiri­ira xaal­adda am­niga, nolosha iyo dary­eelka caafi­maad ee Qox­ootiga Soomaaliy­eed ee ku sugan Kenya.

“Sida la wada og-ya­hay, hay’adda UN­HCR waxay san­nadi­hii dambe dhin­tay cun­tadii iyo dary­eelkii ay siin jir­tay Qox­ootiga xeryaha Dhad­haab ku nool, sidoo kalena la-da­gaalanka Al-shabaab iyo ar­gag­ix­isadu wuxuu xeryaha ka xi­ray dham­maan ade­e­gyadii aadamn­imo, kaddib markii la joo­jisay dee­qdii ay Qox­oo­tigu mar-mar ka heli jireen hay’adaha samafalka iyo shaqsiyaad ka socda Dunida Is­laamka iyo weliba shili­maad­kii ay dhi­naca xawaal­adaha ehe­ladoodu u soo marin jireen,” ayaa qo­raalka dowladda lagu xusay.

Ugu dambeyn, xuku­umaddu sheeg­tay in iyadoo ka xun dhamaan fi­ciladda ar­gag­ix­isada ee ka dhanka ah nabadda iyo xas­il­loonida Kenya, Bariga Africa iyo caalamka; ayaan wax­aan ugu baaqay­naa dowladda Kenya qodob­badan:

  1. Inay xaka­mayso carada xuku­umadda iyo tan sha­cabka Kenya ay ka qaadeen weer­arkii Garissa oo ay ogaato inay Al-shabaab yi­hiin cad­owga nolosha iyo nabadda dalalka Kenya iyo Soomaaliya.
  2. In la xoo­jiyo awoodda iyo wada-shaqeynta sir­doonka labada dal ee dariska iyo walaalaha ah, isla markaana laga dhex-abu­uro sha­cabka labada wad­dan mu­tadaw­iciin la shaqeeya booli­iska, si loo qab-qabto dambi­ilayaasha, gacmaha hay’adaha am­niga looga ilaaliyo inay ciqaabaan dad aan waxba gal­ab­san.
  3. Inay dib u furto shirkadaha Xawaal­adaha ee la xayi­ray oo soo geliya wad­danka Kenya dhaqaale fara badan, isla markaana ay ku ti­ir­san tahay nolosha qoysas badan oo isugu jira Kenyan iyo Qox­ootiga Soomaaliy­eed.
  4. In ar­rinta dib u celinta Qox­ootiga Soomaaliya loo maro qor­shi­hii sad­dex-geesoodka ahaa ee isla qaa­teen labada dowladood iyo hay’adda Qox­ootiga u qaa­bil­san Qara­mada Mi­doobay ee UN­HCR.

Gaba-gabadii qo­raalka ayay xuku­umadda So­ma­lia waxay ku sheeg­tay inay dar­dar-geli­nayso dabar-goynta Al-shabaab iyo dib u xoreynta dee­gaan­nada yar ee ku harsan gacan­tooda, wax­ayna ugu baaqaysaa dowladaha gob­olka inay nagu garab-si­iyaan da­gaal lagu soo af-jarayo jir­i­taan Al-shabaab.