AF-SOOMAALI

Dowladda oo maclu­umaad dheer­aad ah ka bix­isay Qaraxii Zoobe


Dowladda Soomaaliya ayaa soo band­hig­tay Maclu­umaad dheer­aad ah oo ku saab­san ragii fududeeyay qaraxii dadka badan ku dhamaadeen ee 14-kii Oc­to­ber ka dha­cay Is­gooska Soobe.

Wasaaradda Am­niga ayaa qo­raal ka soo baxay ku sheeg­tay in wali socdo baar­i­taano dheer­aad ah oo ku aadan qaraxii Soobe, waxa ayna Wasaarada Am­niga hada shaacisay ma­g­a­cyada xubno gacanta ugu jira iyo kuwa baadi goob loogu jiro.

Halkan ka Akhriso Maclu­umaadka Wasaarada soo band­hig­tay

Hey’adaha am­maanka Soomaaliya ayaa weli sii wada baar­i­taan­nada ku aad­dan dad­kii loo qab­tay qaarkood weer­arkii 14-kii Oc­to­ber lagu xa­s­u­uqa bo­qol­laal dad masaakiin ah.

Shaqsiyaadka la soo band­hi­gay ayaa qaarkood laga heyn sawiro,iyadoo Hay’adaha amaanka Dowladda ay sheegeen iney ku daba ji­raan walina baaris ay so­coto.

(Sawir mala­han)- Mukhtaar Gar-dhuub oo loo yaqaanno Cey­naan ama Fanax waa madaxa Am­niyaadka Al-shabaab waa ninkii da­jiyey qor­shaha xa­s­u­uqii Soobe, waxa uu ku sug­naa dee­gaanka Mubaarak ee gob­olka Shabeel­lada Hoose waa lagu daba ji­raa.

(Sawir mala­han)- Cab­di­weli Cabdi-qani waa madaxa Qaraxyada gob­olka Be­naadir ee Al-shabaab, waxa uu amarka ugu dambeeya ka qaataa Mukhtaar Gar-dhuub waa lagu daba ji­raa.

Xasan Aadan Isaaq waxaa loo diyaariyey markii hore in gaariga NOAH-da ah uu isku qarxiyo, waana isku xir­i­hii weer­arkii Soobe, waxaa gacanta ku haya hey’adaha am­niga ka hor inta uu­san qarxin gaariga NAOH oo uu watay.

Ali Yusuf Wa’eys (Duale) waxa ay ci­idanka Am­niga ku qab­teen is­aga oo weli uu­san soo gaarin dha­gar-qabi­hii gaariga NOAH-da wa­day ee la qab­tay.

gaa­rigii TM-ka ee SOOBE lagu qarxiyey waxaa wa­day naftii halige Xusseen Aadan Maadeey (Cus­maan Xaaji) ayuu ku ma­gac dheeraa, Hooyadiis waxaa la yi­raah­daa Faad­uma Cis­maan Cali deg­gan Ma­reerey.

“Gaariga TM-ka waxaa la ga­day 18-08-2017-ka waxaa laga ga­day (Sawir mala­han)- Cab­dul­laahi Ibraahim Xasan, wuxuu ka iibiyey Xasan Aadan Cab­dul­laahi “Afrax” iyadoo lagu wa­ree­jiyey Nootaayo ku yaalla gob­olka Be­naadir”.

ninka Milka­alaha ah Cab­dul­laahi Ibraahim Xasan weli hey’adaha am­niga gacanta kuma dhi­gin laakiin waxaa la shaacin doon­naa sawirradi­isa, cid­di­isa soo sheeg­tana waxaa la siin doonaa abaal­marin ay ku faraxdo.

“Gaariga TM-ka ka hor inta uu­san qarxin waxaa la saaray wad­dada Af­gooye iyo Muqdisho si aanan looga shakin, sa­farki­isii ugu hor­reeyey waxa uu bil­laabay 13/​09/​2017-ka waxa uu qaadi ji­ray Gal­leyda darawalkii ku shaqeyn ji­ray waxa uu ahaa Xuseen Aadan Maadeey naftii “halige” ee SOOBE isku Qarxiyey.

Cab­di­weli Axmed Di­iriye ayaa dammi­in­tay gaariga, TM-ka laakiin ci­idamada am­niga ayaa di­idey oo ku qanci waayey.

Mukhtaar Max­a­m­uud Xasan oo ah nin si weyn looga garanayey oo dee­gaanka Cee­lasha Biyaha ayaa ugu dambeyn gaariga TM-a dammi­in­tay kaddib markii ci­idanku ay ku qanceynna sidaa ayaa lagu sii daayey gaa­rigii.

Can­shuur bixiy­i­hii gaariga TM-ka waxaa lagu mag­caabaa Cab­dul­laahi Cabdi Warsame oo hadda ku jira gacanta hey’adaha Am­niga Soomaaliya.

Hay’adaha am­niga Soomaaliya ayaa wada dham­mey­stirka xogta ama maclu­umaad­kii ugu dambeeyey ee baar­i­taan­nada ay hadda ku howlan yi­hiin, si jawaabbo looga bixiyo gum­maad­kii Muqdisho ka dha­cay 14-kii Oc­to­ber ee 2017-ka, xogta oo dhanna dhowaan ayaad ka heli doon­taan hey’adaha am­niga Soomaaliya.