AF-SOOMAALI

Dan­jire Cab­dulqani Max­amed Waceys oo mar safiir ka ahaa masar oo geeriy­oo­day


Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay geerida Al­laha U Naxari­is­tee safi­irkii hore dalka Masar u joogay Soomaaliya Dan­jire Cab­dulqani Max­amed Waceys oo waaba­rigii saaka ku geeriy­oo­day ma­g­a­al­ada Kuwait ee caasi­madda wad­danka Kuwait .

Marx­u­umka ayaa labadii is­buuc ee tegay wuxuu ku xanu­un­sanaa dalka­asi sida lagu shee­gay warsax­aafadeed wasaaradda ay sii daaysay goor dhow.

Safi­irka geeriy­oo­day ayaa waxa uu ahaa rug cad­daa meelo badan ka­soo shaqeeyay, xi­lal kala duwan oo dhi­naca waxbarashada iyo siyaasadda ar­rimaha dibadda Soomaaliya ah soo qab­tay.

Waxa uu ku dhashay ma­g­a­al­ada Muqdisho ee caasi­madda Soomaaliya 15-kii-May -1946-tii, waxa uuna dugsigii sare uga baxay dalka Masar, waxa uu sidoo kale shaadada koowaad ee heerka jaa­macadeed ka qaatay isla dalkaas, is­a­goo cilmiga taai­ikhda ka bar­tay Alexan­dria Uni­ver­sity.

wuxuu ka hor masar safiir ka­soo no­q­day wad­danka Li­ibiya, wux­u­una ahaa sida dadka yaqaanno ay tilmaameen nin leh karti iyo go’aan hog­gaam­i­need, qad­diyadaha ka hadalka Soomaalin­i­madana si weyn loogu yaqaan­nay.

Wuxuu ahaa aabbe leh dhowr car­ruur ah iyo xaas.

Dhi­naca kale madaxda sare ee Dowladda Soomaaliya ayaa ka tac­siy­eeyay geeridi­isa , iya­goo Alle uga baryay in uu ka waraabiyo Jan­nadii far­dowso.