GLOBAL NEWS

Hor­mar iyo Maal­gashi ka Bi­laab­may Kismaayo


Dhis­maha wadada dheer ee xiri­irisa ga­roonka diyaaradaha ma­g­a­al­ada Kismaayo iyo Jaa­macadda ma­g­a­al­ada Kismaayo ayaa si rasmi ah u biloow­day, iyadoo ay so­conayaan bur­burin lagu sameey­nayo laamigii hore oo is­agu ahaa mid aad u day­a­can.

Howla­han dhis­maha ayaa waxaa iska kaashanaya dowladda Ma­reeykanka iyo weliba qaar kamid ah shirkadaha dhis­maha ee deg­mada Kismaayo, wax­aana la fi­layaa in mudo sedex bilood ah lagu soo gabagabeeyo dhis­maha wadadaasi.

“Aad baan ugu faraxsan­na­hay dhis­maha lagu bi­laabay jidka dheer ee laamiga ah, hadda waxaa xi­ran is­goyska olom­bik ilaa aar­gada oo uu dhisme ku socdo, waana tal­laabo ho­ru­mar lah,” sidaa waxaa yiri Cis­maan C/​laahi oo kamid ah gaadi­idleeyda ma­g­a­al­ada Kismaayo.

Ma­g­a­al­ada Kismaayo ayaa waxaa mara laba jid oo laami ah, mid aada ma­g­a­al­ada Muqdisho iyo mid kale oo isku xira dekedda Kismaayo ilaa war­shad­dii hore ee hilibka, wax­aana jira wadooyin dhowr ah oo bur­bur­san is­la­markaana u baa­han in dyaac­tir lagu sameeyo.