AF-SOOMAALI

Daawo sawiradii ugu dan­beeyay bur burkii ka dhashay qaraxyadii maanta ka dha­cay Muqdisho


Sha­cabka reer Muqdisho ayaa u muuqda kuwo wali la sii dhakafaarsan qaraxyadii is xig xi­gay ee maanta ka dha­cay wadada Maka Al-Muka­mara, gaar ahaan weer­arkii is­mi­daam­inta ah ee lagu qaa­day ho­teelka Dayax ee ma­g­a­al­ada Muqdisho.

Qaraxyadan oo ahaa kuwo loo adeegsa­day gadiid walx­aha qarxa lagu soo raray sidoo kalana ay bar bar socdeen weerar toos ah oo ay ku qaadeen ho­teelka dab­ley ka koob­neyd afar dhalin­yaro ah ayaa la rumeysan ya­hay in ay ku dhin­teen dad ka badan 20 ruux, sidoo kalanaa ku dhawaad 50 ruux ay ka soo gaa­reen dhaawa­cyo kala duwan.

Dadka dhin­tay ayaa in­tooda badan ahaa dad sha­cab ah oo qaarkood goobo ganacsi ku la­haa aga­gaarka ho­teelka la weer­aray iyo nabadoonno caan ah oo ay ka mid ahaay­een Malaaq Cab­di­arshid Malaaq Cab­dis­laan iyo Malaaq Mal­abow Malaaq Isaaq Keerow..

Halka sidoo kale ay dhaawa­cyo kala duwan ka soo gaa­reen Malaaq Sharif Mux­u­diin Sh Adan Malaaq Xasan Bu­ulle Xuseen.

Waxaa sidoo kale dad­kii maanta qaraxyada ku dhaawac­may ka mid ahaa kooxo wariyayaal ah oo u bad­naa sawir qaa­dayaal goobta gaaray markii uu dha­cay qaraxii hore.

Shaqaalaha is­bitaalka Madi­ina ayaa shee­gay in la soo gaar­si­iyay tiro ka badan 20 ruux oo dhaawac ah iyaga oo in­taa ku daray in sidoo kale is­bitaalka la dhi­gay mey­dadka ilaa 7 ruux oo rayid ah.

Ugu dan­beyn­tii, madaxda ugu sareysa dowlada fed­er­aalka Soomaaliya ayaa wada jir u cam­baa­reeyay qaraxyadii maanta ka dha­cay ma­g­a­al­ada Muqdisho oo ahaa kuwii uu cus­laa sanad­kana 2017da.