AF-SOOMAALI

Ci­idamo dheer­aad ah oo la dhi­gay Is­goysyada ma­g­a­al­ada Muqdisho


Wasaaradda Am­niga Gu­daha ee Soomaaliya ayaa sheeg­tay in la ko­rd­hiyay ci­idamada am­maanka ee ka qeyb qaadanaya sug­ida Caasi­mada Muqdisho, iyadoo saa­cadi­hii la soo dhaafay Ci­idamo la dhi­gay wadooyinka iyo Is­goysyada.

Wasi­irka Am­niga C/​risaaq Cumar Max­amed ayaa shee­gay in ci­idanka hee­gan la geliyay, si looga hortago weer­aro qal qal gelin kara am­maanka, wax­aana uu xusay in howl gal­ada lagu xaqi­iji­nayo am­niga ay sii so­coneyso.

“Hee­gan ayaa lagu ji­raa sidii am­niga lagu xaqi­ijin la­haa, bis­han Ra­madaan ci­idamada waxay sii laba laabayaan sug­ida am­niga, ci­idamada waxaa la farayaa inay how­s­hooda qab­sadaan, lana da­gaala­mayaan cid kasta oo qalalaaso iyo falal dambiy­eed geysanaya”ayuu yiri Wasi­irka Am­niga Gu­daha.

Sidoo kale waxaa uu shee­gay in howl gal­ada kaliya aanay aheyn bisha Ra­madaan, balse ay ci­idamada si fee­ji­gan ula so­con doon­aan dhaq dhaqaaqyada amni.

Ci­idamada la dhi­gay wadooyinka ee ka qeyb qaadanaya sug­ida am­maanka, ayaa waxaa qeyb ka ah Ci­idamada Aslu­ubta oo aan ho­ray looga baran howl gal­ada, wax­aana ci­idamada Aslu­ubta qaa­bil­san yi­hiin ilaal­inta xab­siyada.

Hee­ganka la geliyay Ci­idamada ayaa ka dambeeyay markii Al-Shabaab ay ku han­jab­tay inay ko­rd­hineyso weer­arada inta lagu guda jiro bisha Ra­madaan.