AF-SOOMAALI

Ci­idamada Itoobiya oo qir­tay inay soo rideen diyaarad­dii ku­soo dhac­day Bar­daale


Ci­idamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa qir­tay inay toog­teen diyaarad xa­m­uul oo ay la­hayd Keny, taa­soo keen­tay lix dhi­masho ah, sida uu qo­ray wargeyska caanka ah ee Daily Na­tion.

War­bixin uu soo gud­biyay Taliyaha Qeybta III ee Howl­galka Mi­dawga Afrika ee Soomaaliya ayaa lagu shee­gay in ci­idamada ku sugan Bar­daale, oo 300km waqooyi-gal­beed ka xiga Muqdisho aysan ka war­qabin wax du­ul­li­maad rayid ah oo soo gala waqti­gaas.

“Ma jirin wax maclu­umaad ah oo shee­gaya in diyaaradda ay kusii jee­day Bar­daale. diyaaradda ayaa ka du­ushay meel caadi ah oo ay si is­d­aba joog ah ugu sii dhowaatay dhulka,” ayay yi­raahdeen ci­idamada Itoobiya.

Ci­idamada ayaa ka shakiyay in diyaaradda ay ahayd mid is­mi­idaamin ah oo ay dooneysay bar­til­maameed si ay u weer­arto. Sabab­taas awgeed ayay ci­idamada Ethiopia u toog­teen una­soo rideen diyaaradaan oo ay la­hayd shirkadda diyaaradaha Af­ti­can Ex­press Air­ways.

Shee­gashaan ayaa timid xilli dowlad­daha Soomaaliya iyo Kenya ay iska kaashanayaan baar­i­taanka sababtii ka dambeysay in ay soo dhacdo diyaaradaan, is­ni­in­tii todobaad­kii hore.