AF-SOOMAALI

Cab­di­rax­maan Cab­dishakuur ” Xild­hibaan­nadii car­qaladeeyay hadal jeed­in­tii madaxwey­naha fu­ri­taankii kalfad­higii Baar­la­manka, ma aheyn wax kha­lad ah”


Hog­gaamiyaha xis­biga Wada­jir Cab­di­rax­maan Cab­dishakuur Warsame ayaa ka had­lay ar­rin­tii dhowaan ka dhac­day fu­ri­taankii kalfad­higii 7-aad ee Baar­la­manka Jamhu­uriyadda Soomaaliya, taas oo aheyd xilid­hibaan­nadii car­qaladeeyay hadal jeed­in­tii Madaxwey­naha Soomaaliya Max­amed Cab­dul­laahi Far­maajo.

Cab­di­rax­maan Cab­dishakuur oo ma­g­a­al­ada Nairobi wareysi gaar ah ku si­iyay Tele­fashinka Dal­san ayaa ugu hor­reyn soo dhoweeyay tal­laabada xild­hibaan­nadii madaxwey­naha ka hor yimid oo qaarkood Fir­in­biga yeeriyay, is­a­goo tilmaa­may in ay u dulqaadan waay­een han­naanka geeddi socodka maa­mul ee hadda ka jira Soomaaliya.

“Waa caadi oo Baar­la­maan­nada dunida ayaa la isku bu­uqaa oo Fir­inbi la isku yeeriyaa “ ayuu yiri Cab­di­rax­maan Cab­dishakuur Warsame

Waxa uu dhi­naca kale shee­gay in madaxweyne Far­maajo uu si­iyay talo aad u wanaagsaneyd oo ku saab­san inuu dib u saxo wixii uu ho­ray u khal­day, is­la­markaana uu ka gudbo siyaasadda xanaaqa, kala ird­heynta iyo faanka ku dhisan, sida uu hadalka u dhi­gay.

“Khud­bad­dii uu jee­d­i­nayay waxay aheyd tii ugu dem­beysay oo das­tu­uri ah oo uu Baar­la­manka ka hor jeediyo, waxay aheyd inuu sameeyo fur­fur­naan iyo isu-soo dhowaan­shiyo” ayuu mar Kale yiri Cab­di­rax­maan Cab­dishakuur Warsame.

“Nasiib-darro, jid­kii aan u sheeg­nay mid aan aheyn ayuu maray, wux­u­una sii wa­day faanki­isii iyo xanaaqi­isii “ ayuu hadalki­isa sii raaciyay.

Dhi­naca kale waxa uu ka had­lay ar­rimaha doorashada qof iyo codka ah oo uu madaxwey­nahu uu shee­gay in dalka laga qa­banayo , is­la­markaana ay ku dalaalayaan ar­rin­taasi, laakiin hog­gaamiyaha Xis­biga Wada­jir ayaa ar­rima­haasi ku shee­gay in hab dha­haalka hadalku uu wanaagsanya­hay, hase-ahaa­tee wuxuu hoosta ka xari­iqay in Madaxweyne Far­maajo laga rabay in uu how­shaas kol hore qabto, had­dana hadalki­isa loo fasiri karo mid uu ku raad­i­nayo in waqti dheeri ah xilka loogu daro.

Cab­di­rax­maan Cab­dishakuur ayaa waxa uu kamid ya­hay hog­gaamiyayaasha Axsaabta mu­caaradka dalka ku­wooda ugu hadalka ku­lul ee dowladda Madaxweyne Far­maajo aadna u naqdiya, is­a­goo soo band­higo inta badan mee­laha dowladda ay ka gaabisay in ay wax ka qa­bato, waxa uuna hab mu­caarad­ki­isa la mid ya­hay kan ka jira wad­damada dimuquraadiyadda bu­uxda ay ka jirto, laakiin dadka qaar ayaa dhali­ila sida to­gan ee uu wax u sheego.