AF-SOOMAALI

Cabdiqaasim Salaad Xassan oo hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya


Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) waxana uu ugu baaqay inuu soo magacaabo ra’iisal wasaare shacabka ay ku qancaan.

Cabdiqaasim Salaad Xasan oo lagu doortay dalka Jabuuti sanadkii 2000 ayaa sheegay in loo baahan yahay in uu soo dhiso xukuumad dhaxal gal ah oo dalka badbaadin karta si guulo la taaban karo loo gaaro.

Sidoo kale C/qaasim Salaad Xasan ayaa Madaxweynaha cusub ugu baaqay in uu soo doorto Ra’iisul Wasaare dadku ay la dhacaan oo lagu qanco, dadka iyo dalkana wax u qabto.

Ugu danbeyntii, madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya ayaa guud ahaan dalka laga soo dhoweeyay iyadoo banaanbaxyo ay xalay ka dhaceen magaalooyin badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.