AF-SOOMAALI

Bo­qo­laal qoys oo ka baraka­cay fa­ta­haada Beled­weyne


Wabiga Shabeelle ayaa saa­cadi­hii la­soo dhaafay fa­ta­haad xoog­gan ka geystay ma­g­a­al­ada Beled­weyne, wax­aana dham­maan xer­may ji­dadka isku xira xaafadaha kala duwan taas oo dhibaato adag ku haaysa bul­shada .

Dadka ayaa ka baxay gurya­hooda waxa ayna dageen Ceel-jaalle oo dhanka bariga ka xigta Beled­weyne. Wax­ayna hadda wa­ja­haya xaalad adag oo dhi­naca nolosha ah, maadama aysan haaysan hooy, biyo nadiif ah iyo guryo.

Qaar kamid ah dadka ka baraka­cay gu­daha ma­g­a­al­ada Beled­weyne oo aan la­hadal­nay ayaa in­noo shee­gay wa­ja­hayaan xaalad adag, iyaga oo cod­sa­day gacan bani aadan­nimo oo deg deg ah .

Wararka sidoo kale laga helayo ma­g­a­al­ada Beled­weyne ayaa shee­gaya in ay ji­raan qoysas weli ku xayi­ran gu­daha xaafadaha ay de­gany­i­hiin, biya­hana ay jiho walba ka ma­reen , wax­ayna ubaa­hany­i­hiin gur­mad la­gu­soo samaya-bixiyo.

Maa­mulka Gob­olka Hi­iraan iyo gud­diga ka hortagga iyo xakameynta fa­ta­haadda ma­g­a­al­ada Beled­weyne oo maalmi­hii la­soo dhaafay ku howlanaa in ay biyaha celiyaan, ayaa hadda waxa uu dadaalkoodii u muuqanayaa mid ay daadadka ka awood badiy­een, wax­eyna sha­cabka uga di­geen in ay ka fo­gaadaan dhu­lalka godka ah iyo ha­reer­aha wabiga.

Ma­g­a­al­ada Beled­weyne ayaa lix bil ka hor waxaa saameeyay fa­ta­haad xoog­gan oo ku dh­u­fa­tay, taas oo marka laga yi­maado khasaaraha maaliyadeed ee ka dhashay ay ku dhin­teen 25 ruux oo qaarkood ay ahaay­een mas’u­uliyi­inta maa­mulka Hir­shabeelle.