GLOBAL NEWS

Bee­sha Caalamka oo si Wada­jir ah u soo dhaweysay dhisida Go­laha Baar­la­maanka Jub­ba­land


Khamiis, Abriil 23, 2015 (HOL) — Qara­mada Mi­doobay, IGAD, Mi­d­owga Yu­rub, howl-alka Mi­d­owga Afrika ee Soomaaliya (AMI­SOM), Maraykanka iyo Britain ayaa si wada­jir ah u soo dhaweeyay dhisidda baar­la­maan gob­oleedka Jubba.

Beeha Caalamka ayaa ku baaqeen in wada-xaa­jood dheer­aad ah la yeesho si loo xaqi­ijiyo in dham­maan qabaa’ilka iyo koox­aha laga tirada badan ya­hay ee gob­ol­lada Jub­booyinka ka­soo jeeda ay da­reemaan inay qayb ku leey­i­hiin dhis­maha baar­la­maankan.

“Wax­aan soo dhawey­nay­naa ho­ru­marka muhi­imka ah iyo dhis­maha go­laha baar­la­maanka Jub­ba­land. Wax­aan maa­mulka KMG ah ee Jub­ba­land ugu baaqay­naa inuu la kaashado dowladda fed­er­aalka So­ma­lia si loo xal­liyo wixii ar­rimo ah oo geeddi-socodka ka dhashay,” ayaa lagu yiri war-sax­aafadeedka ay soo saa­reen xub­naha Bee­sha Caalamka.

Sidoo kale, Bee­sha Caalamka ayaa ku tilmaa­may dhis­maha baar­la­maankan tal­laabo wax ku ool ah oo muhim u ah hir-gelinta hes­hi­iskii Ad­dis Ababa ee bishii Agoosto 2013-kii, geeddi-socodka dhis­maha dowlad-gob­oleedka Jubba iyo dhis­maha Soomaaliya oo fed­er­aalka ah.

Xaqi­ijinta geeddi-socod cad­daalad ku dhisan oo loo wada dhan ya­hay waxay gacan ka geysan doon­taa dhisidda bul­sho nabad ah oo cad­daalad ku dhisan oo tusaale lagu daydo u no­qon karta dalka in­ti­isa kale.

“Wax­aan dowladda fed­er­aalka Soomaaliya iyo maa­mulka KMG Jubba ku am­maanay­naa qaybta ay ka qaa­teen dhisidda baar­la­maan-gob­oleedka Jub­ba­land,” ayay bee­sha caalamku hadal­keeda ku dar­tay.