AF-SOOMAALI

Baar­la­maanka Soomaaliya oo raali galin ka bixiyay war­bix­in­tii Gud­diga Maaliyada


Gud­doomiye ku-xigeenka labaad ee Go­laha Sha­cabka Ma­had Cab­dalla Cawad oo ku­lanka shir Gud­doom­i­nayay ayaa shee­gay in gud­doonka go­laha ay soo gaar­tay War­qad ay ku saxi­ixan yi­hiin to­ban Xild­hibaan oo ka mid ah Gud­diga Maaliyadda, taa­soo ujeed­keedu uu ya­hay tabasho ka dhan ah war­bixin maaliyadeedka meel­mar­inta qoon­dada Mi­isaaniyada 2018-ka.

War­bixin guddi marka go­lahu la keenayo waa iney soo mar­taa Gud­diga joog­tada ah,mana la soo mar­siin waana gef,raali gelin baa idinka si­iney­naa sha­cabka Soomaaliy­eed baa raali gelin ka si­iney­naa,dalkana meel fi­ican buu marayaa howl adag oo mi­isaaniyada 2019-ka noo taala,an­six­in­tii iyo iyo ka doo­d­is­tii xisaab xirkii 2017-kii,yey­naan wax­aan jirin ku mashqu­ulin, yey­naan hay’ad­da­heena isku bur­burinin, yey­naan Kalsoonida ka qaadin sha­cabka Soomaaliy­eed,in­taasi waxaa weeyaan war­bix­in­tan habraacii uu xeer hoosaadka qo­rayay an­nagu maanaan soo mar­si­inin waxaa we­eye umanna dham­mey­stirna ee xub­ni­hii soo gud­biyeyna kuma qorna xub­ni­hii la soo wareystayna kuma li­faaqna, waxaa weeyaan waxyaabi­hii loo baah­naa cadeyma­hoodana kuma li­faaqna,sidaasi owgeed agen­daha ku saab­san war­bix­inta halka­asi ayuu ku egya­hay soo qaadis dambena mala­han,”ayuu yiri Gud­doomiye Cawad.

Gud­doomiye kux­igeenka labaad ee Go­laha Sha­cabka Mu­dane Ma­had Cab­dalla Cawad oo ku­lanka soo xi­ray ayaa Xild­hibaanada u faah faahiyay habraaca loo maro diyaar­inta war­bix­i­nada is­a­goo baaq u di­ray Sha­cabka Soomaaliy­eed.