GLOBAL NEWS

Aqriso Dowlada Juba­land oo Fariin u Dirtay Xasan Sh iyo Jawaab lama Fi­laan ah


Wararka aan Saaka ka helay Ma­g­a­al­ada Muqdisho ayaa shee­gaya in Xarunta Dowladda Soomaaliya ee Villa Soomaaliya ay soo gaad­hay­een Cod­siyo kala duwan oo maa­mulka Axmed Madoobe ay u gud­biy­een Dowladda Fed­er­alka Soomaaliya,cod­sigii ugu dan­beeyey oo maal­in­tii sha­lay Wasaaradaha arimaha gu­daha Soomaaliya ay gaadhsi­iy­een maa­mulka Jub­ba­land ayaa ahaa midka ugu dhawaa ee ay ahayd in Jawaab ay ka helaan Maa­mulka Jub­ba­land.
Sida aan ku helay Wararka Ma­g­a­al­ada Kismaayo Madaxway­naha Maa­mulka Jub­ba­land Sh Axmed Max­amed Is­laam ayaa Dowlada Soomaaliya ka cod­sa­day in ay u soo dirto Wafdi kala qayb gala Xaflada Calaamo saarta gu­doomiyaha Baar­la­maanka Jub­ba­land,isla Markaan Dowladda Soomaaliya ay hor­muud ka no­qoto Abaabushan shirka Kismaayo ee caleemo saarka.
Wasaaradaha Arimaha gu­daha Soomaaliya ee uu Wasi­irka ka ya­hay Cab­di­rax­maan Odawaa,ayaa ah Wasaarada aan qaadan karin go’aa­mada masi­iriga ah,wax­ayna Wasaaradu ku ti­ir­san tahay,Ta­l­ada Madaxway­naha iyo Ra’i­isul­wasaaraha Soomaaliya oo labaduba ay dalka dibadi­isa ku maqany­i­hiin,iyadoo qor­shaha Maa­mulka Axmed Madoobe ay Dowladda Soomaaliya ka doon­ayaan uu ya­hay mid deg deg ah,isla Markaan la doon­ayo in dhis­maha Baar­la­maanka laga gaadhsi­iyo xiliga kala Ja­banta ah ee Axmed Madoobe laga doon­ayo in uu booska ba­neeyo.
Hadii Dowlada Soomaaliya ay si deg deg ah Jawaab u siin waydo Maa­mulka Jub­ba­land,isla markaan Dowladdu ay u ca­dayn waydo mawqaf­keeda ku wa­ja­han dhis­maha Baar­la­maanka Jub­ba­land,waxay taas Mac­na­heedu no­qon­aysaa in dhis­maha Baar­la­maanka Jub­ba­land uu ya­hay mid dhanka Dowladda Soomaaliya aan aqoonsi ka he­lin,xaaladuna ay ka duwan­ta­hay arag­tidii Maa­mulka Jub­ba­land ay ka qabeen Dowladda Soomaaliya.