AF-SOOMAALI

Al-shabaab oo weerar qor­sheeysay ku qaa­day dee­gaanka Bu­u­lo­gaduud ee gob­olka J/​hoose


Maleeyshiyaad ka tir­san Al-shabaab ayaa saaka aroor­tii weerar qor­sheeysan ku qaa­day sald­hig ay ci­idamada Juba­land iyo kuwa xoogga dalka ku la­haay­een dee­gaanka Bu­u­lo­gaduud oo qiyaastii 30 KM dhanka waqooyi kaga bee­gan ma­g­a­al­ada Kismaayo.

Wararka ayaa shee­gaya in Al-shabaab ay gu­daha u galeen dee­gaanka Bu­u­lo­gaduud, ayadoo adeegsanaya gaadiid walx­aha qarxa laga soo bu­uxiyay iyo weerar toos ah, wax­aana halka­asi uu da­gaal xoog­gan ku dhex­maray Al-shabaab iyo ci­idamadii ku sug­naa dee­gaankaasi.

Taliyaha ci­idamada Juba­land Gen. Aadan Goo­jaar oo qadka telee­fonka ugu wara­may shabakadda HOL ayaa shee­gay in ay iska caabiy­een weerar uga yimid Al-shabaab, haatanna ay ku sug­any­i­hiin Bu­u­lo­gaduud, is­a­goo in­taa ku daray in wixii faah­faahin ah ay dib ka sheegi doon­aan.

Lama oga khasaaraha ras­miga ah ee ka dhashay da­gaalka.

Gur­mad loo di­ray Bu­u­lo­gaduud

Ma­g­a­al­ada Kismaayo ayaa lagu dhex arkayay gaadi­idka da­gaalka iyo ci­idamo aad u tiro badan oo ku wa­ja­han dee­gaanka Bu­u­lo­gaduud.

Xaal­adda dee­gaankaasi ayaa weli ah mid kac­san.

Dee­gaanka Bu­u­lo­gaduud ayaa sald­hig u ahaa ci­idamada Juba­land iyo kuwa xoogga dalka.