AF-SOOMAALI

Al-shabaab oo weerar cu­lus ku qaa­day sald­hig ci­idan dee­gaanka Baar-San­gu­uni Jub­bada Hoose


Xoogagga Al-shabaab ayaa sub­axn­imdii hore ee saakay weerar cu­lus ku qaa­day sald­hig ci­idamada dowladda iyo kuwa dowlad gob­olleedka Jub­ba­land ku la­hay­een dee­gaanka Baar-San­gu­uni ee dulleedka ma­g­a­al­ada Kismaayo.

Weer­arka oo ay sald­hig dhowr jiho uga soo qaadeen Al-shabaab ayaa ku bi­laaw­day gadiid qaraxyo laga soo bu­uxiyay, sida ay war­baahinta u sheegeen dadka dee­gaanka oo in­taa ku daray in uu halkaa ka dha­cay iska hori­maad bal­laaran.

Al-Shabaab ayaa sheeg­tay in ay la wa­reegeen gacan ku heynta dee­gankaa Baar-san­gu­uni, kaddib markii ay dileen inta badan sida ay hadalka u dhiggeen ci­idamadii ku sug­naa sald­higga la weer­aray, halka kuwa kalana ay u firx­adeen dhi­naca dee­gaanka Bu­ula-Gaduud.

Laakiin dhi­naca saraaki­isha dowladda ee ku sugan dee­gaanka oo qaarkood la had­lay war­baahinta gu­daha ayaa beeniyay shee­gashada Al-shabaab ee ah in ay la wa­reegeen Baar-San­gu­uni, iyaga oo in­taa ku daray in uu ahaa weerar fashilmay oo dib leysaga caabiyay koox­i­hii soo qaa­day.

Hasse ahaa­tee saraaki­ishu waxaa ay in­taa ku da­reen in uu jiro khasaare soo gaaray labada dhinac, balse ma aysan shee­gin tirada ras­miga ah ee dhi­mashada inta ay ka war hayaan.

Wixii warar ah ee ka soo ko­rdha waan idin soo gud­bin doon­naa…