AF-SOOMAALI

Al-shabaab oo laba Macallin ka­soo Af-du­ub­tay Deg­mada Mand­heera ee Waqooyi-bari Kenya


Sabti, Abriil 25, 2015 — Dab­ley ka tir­san Al-shabaab ayaa ka af­du­ubay ma­g­a­al­ada Mand­heera ee gob­olka Waqooyi-bari ee dalka Kenya oo ku dhow xadka ay Soomaaliya iyo Kenya wadaa­gaan laba macallin oo Keenyaan ah.

Guddoomiyaha Mandheera, Alex Nkoyo ayaa warbaahinta u xaqiijiyay labada macallin ee la afduubay, iyadoo aan la shaacin magacyada labada macallin ee la afduubay iyo goobta laga afduubay midna. “Afduubku wuxuu dhacay 4:00 habeennimo ee xalay, baaritaan ayay ciidamadu ku wadaan falkan dhacay,” ayuu yiri Nkoyo oo intaas ku daray in labada macallin oo dhigayay dugsi dhexe aysan ahayn kuwo Mandheera kasoo jeeda, faahfaahin intaas ka badanna ma bixin.

Sidoo kale, warar ka madax-ban­naan kuwa gud­doomiyaha Mand­heera ayaa lagu shee­gay in labada macallin laga af­du­ubay gurya­hooda, ayna koox­i­hii af­du­ubay ay ula gud­been dhi­naca Soomaaliya. Falkan ayaa wuxuu ku­soo beeg­mayaa maalmo kaddib markii kooxo ka tir­san Al-shabaab ay dileen gud­doomiy­i­hii dee­gaanka Cara­biya, Mukhtaar Otieno, kaddib markii la siin waayay madax­furasho lacageed oo ay dowladda Kenya ka dal­badeen.

Al-shabaab ayaa san­nad­kii hore ku di­lay duleedka deg­mada Mand­heera 28-qof oo u badan macallin, kuwaa­soo ka tagay ma­g­a­al­ada Gaarisa kuwaa­soo kusii jee­day ma­g­a­al­ada Nairobi ee dalka Kenya. Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa weli ka hadlin af-du­ubka ma­g­a­al­ada Mand­heera ee dalka Kenya loogu geystay xalay macall­ini­in­tan, iyadoo weli aysan madaxda Mand­heera weli ka soo saarin war­bixin ku saab­san halka ay macall­intaasi ku dameeyaan.

Si kasta ha ahaa­tee, bo­qol­laal macallin oo ka howl­geli ji­ray dee­gan­nada gob­olka Waqooyi-bari sida Gaarisa, Mand­heera iyo Wa­jeer is­aga cararay; kaddib markii ay soo xoogeysteen weer­ar­rada Al-shabaab ay ka geysanayso gob­olkaas.