AF-SOOMAALI

Aadan Barre Ducaale oo ka bad­baa­day in xilka laga qaado


Hog­gaamiyaha aqlabiyadda Baar­la­maanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa waxa uu maanta ka bad­baa­day qor­she la doon­ayay in xilka looga qaado, kadib is­be­dal lagu samey­nayay mas’u­uliyi­inta ja­gooyinka kala duwan ka haya xis­bul xaakimka Ju­bilee.

Ar­rin­taan ayaa waxay soo af­jareysaa warar maalmi­hii la­soo dhaafay taag­naa oo ku saab­san in xilka laga qaa­dayo.

Aadan Barre Ducaale oo ka mid ah siyaasiyi­inta Soomaal­ida Kenya ku­wooda ugu mi­isaanka cu­lus ayaa waxaa la­ga­soo door­tay bar­tamaha ma­g­a­al­ada Gaarisa ee Gob­olka Waqooyi bari.

“Bad­baaada waxay ka timid xagga Alle, waxii maanta ka dha­cay Baar­la­manka oo madaxwey­naha iyo madaxweyne ku xigeenka ay goob joog ka ahaay­eenna waxay tahay kalsoonida xis­biga iyo shaqada aan Baar­la­manka dhexdi­isa ka qab­tay, xi­taa dhi­naca mu­caaradka way I taageereen” ayuu Aadan Barre shee­gay is­a­goo la had­layay BBC-da .

Ducaale oo maalmo ka hor ka­soo muuq­day fa­gaaro ku yaalla ma­g­a­al­ada Gaarisa ayaa waxa uu ka had­lay waxyaabaha uu ugu aa­mu­sanya­hay ar­rinta is­aga la xiri­irta ee ku saab­san in xilka laga qaa­dayo, waxa uuna xil­li­gaasi shee­gay in ay jirto {Si­igo siyaasadeed} cid kas­tana ay In­d­ha­heeda qab­sa­tay, is­agana uu sidaasi dar­teed u aa­musay.

Tan iyo wixii ka dem­beeyay markii uu dha­cay is-fa­hankii dhi­naca siyaasadda ee la­gu­soo ebyay khi­laafkii ka dhashay doorashadii Kenya ka dhac­day dabayaaqadii 2018-kii, waxa uu kala shaki xoog­gan soo kala dhex-galay xis­biga ta­l­ada Kenya haya ee Ju­bilee, iyadoo xanta siyaasadda Kenyaan-kana ay ku saa­baneyd in madaxweyne Uhuru Keny­atta iyo ku xigeenki­isa William Ruto ay kala fo­gaadeen. Taas oo mararka qaar siyaasiyiin la­gu­soo eedeeyay musuq-maa­suq dadka qaar ay u fasireen in ay la olog yi­hiin madaxweyne Ku xigeenka .

War­baahinta Kenya ayaa si gaar ah in­d­haha ugu haaysay ar­rinta Aadan Barre Ducaale, laakiin maanta waxay u muuqataa in wax kasta oo ar­rin­ti­isa la xiri­iray la­soo af­jaray, wax­ayna taasi niyad ahaan farxad ge­lisay taageer­ayaasha hog­gaamiyaha aqlabiyadda Baar­la­manka Jamhu­uriyadda Kenya.