GLOBAL NEWS

Xukuumadda Mareykanka oo Hoggaanka Al-shabaab ku dartay liiska xubnaha Argagaxisada ah


Talaado, Abriil 21, 2015 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa manta shaacisay inay ku dartay liiska kooxaha argagaxisada ah laba hoggaamiye oo Al-shabaab ka tirsan, kuwaasoo kala ah hoggaamiyaha kooxda, Axmed Diiriye iyo Mahad Karate, kaddib weerarkii ay Al-shabaab sheegatay ee ka dhacay Garoowe oo lala beegsaday gaari siday shaqaale ka tirsan kuwa hay’adda UNICEF ee Qaramada Midoobay.

Axmed Diiriye oo looga dhex-yaqaan Al-shabaab, Sh. Axmed Cumar (Abuu-Cubeyda) ayaa xilka hoggaanka Al-shabaab loo magacaabay bishii September ee sannadkii hore 2014-ka, kaddib markii duqeyn lagu dilay hoggaamiyihii hore ee kooxda Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaannay Sh. C/raxmaan Abuu-zubeyr.“Hoggaamiyaha cusub ee Al-shabaab wuxuu qaatay aragtidii Axmed Godane ee ahayd inay weerarro Argagaxiso ka fuliyaan gudaha Somalia, iyagoo aad ugu xiran ururweynaha Al-Qaacida,” ayaa lagu yiri warbixin laga soo saaray waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu yiri. “Mahad Karate oo loo yaqaan C/raxmaan Maxamed Warsame, waa hoggaamiyaha amniyaadka Al-shabaab oo mas’uulka ka ahaa weerarkii lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa ee dalka Kenya.”

Sidoo kale, Mahad Karate ayaa la sheegay inuu yahay hoggaanka dhanka sirdoonka ee Al-shabaab. Iyadoo saraakiil Mareykanka ah ay sheegay in sababta liiskaan loogu daray ay tahay weerarro badan oo ay kooxdu geystay, kuwaasoo uu ku jiro weerarkii ay ku qaadeen suuqa ganacsiga Westgate Mall ee Nairobi sannadkii 2013-kii iyo kii Jaamacadda Gaarisa ee dhacay horraantii bishan oo lagu dilay 148-qof.

Dhanka kale, weerarkii ay Al-shabaab ay sheegatay ee Garoowe ka dhacay ayaa lagu dilay toban ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay gaar ahaan kuwa hay’adda daryeelka carruurta ee UNICEF, kuwaasoo Somali iyo Ajnabi isugu jiray.

Xarakada Al-shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida ayaa la aasaasay markii ugu horreysay sannadkii 2006-dii kaddib markii ciidamada Itoobiya ay faragelin ku sameeyeen Somalia, si ay dowladdii xilligaa jirtay uga difaacan xoogagii Maxkamada Islaamka oo xukumayay Muqdisho.

Al-shabaab ayaa waxay muddo sanado ah isku dayaysay inay xukunka ka tuurto dowladda uu caalamku taageero, inkastoo dhul badan looga qabsaday dagaallo ay la galeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya; dhanka kalena uu Mareykanku la beegsanayay xubnaha ugu sarreeya kooxda duqeymo cirka ah, kuwaasoo ay ku dileen saraakiil ka tirsan hoggaanka sare ee Al-shabaab.

Ugu dambeyn, xukuumadda Washington ayaa sanadkii 2008-dii si rasmi ah ugu aqoonsatay Al-shabaab inay ka mid tahay Ururrada Argagaxisada ah ee Caalamka ka jira, iyadoo lacag malaayiin doollar ah horay u dul-dhigtay xubno ka tirsan hoggaanka sare ee kooxdan.

Si kastaba ha ahaatee, liiska uu Mareykanku maanta ku daray Hoggaamiyaha Al-shabaab, Axmed Abuu-Cubeyda iyo Mahad Karate ayaa kusoo beegmayaa xilli ay toddobaad ka hor dowladda Somalia dul-dhigtay iyaga iyo saraakiil kale oo Al-shabaab ka tirsan lacago si ay xogtooda u hesho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
m