AF-SOOMAALI

Xildhibaano laga hor istaagay in ay ka baxaan Garoonka Muqdisho


Senator Iftiin Xasan iimaan (Baasto) iyo Senator C/llahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen uga hadlay qaabkii uu u dhacay is hor istaag lagu sameeyey maanta xilli ay ku sii jeedeen magaalada Kismaayo.

Masuuliyiintan waxay la socdeen wafti siday meydka Allah ha u naxariistee Wasiirkii Waxbarashada Jubbaland oo laga keenay dalka dibaddiisa

Xildhibaanada waxa ay sheegeen in diyaaradda looga reebay Amar kasoo baxay taliska nabad sugida Soomaaliya iyo sidoo kale Wasiirka duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya.

“Garoonka markii aan tagnay oo aan raacnay diyaaradda, waxaa dhacday in sarkaal nabad-sugida ka tirsan uu amro in la damiyo diyaaradda kana soo baxaan dadkii saarnaa,” ayuu Fartaag u sheegay warbaahinta.

Xildhibaanada ayaa sheegay in diyaaradda loo sheegay in aysan bixi karin hadii ay waddo Senetor Fartaag, Iftin iyo Afhayeenkii hore ee maamulka Jubbaland Sayid Carab.