AF-SOOMAALI

Xildhibaanada Baarlamaanka oo markii u horeysay mooshin ka keenay Darbiga ay Kenya ka dhiseyso Xuduuda


Iyadoo dhowaan Xukuumadda Soomaaliya walaac xoogan ka muujisay darbiga ay Kenya ka dhiseyso Xuduuda ay Soomaaliya la wadaago ayaa markii u horeysay Xildhibaanada Baarlamaanka waxay ka keeneen mooshin ka dhan ah darbigaas, kaasoo lagu wado in looga doodo kulanka soo socda ee Baarlamaanka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan ku baraarugtay qorshaha ka dambeeya darbiga iyo sida Kenya ay darbiga ay ka dhiseyso xuduuda ay ugu soo durugtay dhanka Soomaaliya, taasoo ah mid xadgudub ku ah sharciyada xuduudaha.

Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho kaga hadlay arrimo la xiriira dar-dar gelinta howlaha baarlamaanka, Ajandayaasha toddobaadka soo socda, waxaana kulanka laga sheegay in labo mooshin uu hor-yaalo

Guddoomiye Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in Baarlamaanka uu hor-yaalo mooshino la xiriira darbiga ay dowladda Kenya ka dhiseyo xadka ay la wadaagto Soomaaliya iyo dagaalka maalmahan ka dhacayay xadka Gobolka Galgaduud uu la wadaago Itoobiya.

“Xildhibaanada waxay keeneen mooshin ku saabsan darbiga ay Kenya ka dhiseyo xuduuda, waxayna doonayaan inay Xukuumadda kala xisaabtanto arrimahaas, dhowaan Xildhibaanada ayaa loo qeybin doonaa”ayuu yiri Mahad Cawad.

Sawir uu qaaday Satelite oo muujinaya darbiga Kenya ka dhiseyo Xuduuda

Inkastoo Baarlamaanka uu wali hor-yaalo mooshin ka dhan ah dhismaha Baarlamaanka ayaa waxaa uu mooshinkaas markii saddexaad u baaqday in cod loo qaado, kadib markii uu buuxsami waayay kooramkii loogu tala galay

Sawiro uu qaaday Satelite ee ah Darbiga Kenya ay ka dhiseyso Xadka ayaa muujinaya sida Kenya ay ugu soo durugtay dhinaca Soomaaliya, kana soo tallaabtay qadkii labada dhinac ka caaganaayeen ee sharciga xuduudaha uu dhigayay, waxaana tani dad badan ku tilmaameen mid dhul boob ah oo qatar ku ah jiritaanka qaranimada Soomaaliya.

Wasaaradda Amniga ayaa sheegtay in darbiga ay Kenya ka dhiseyso xuduuda uu dhibaato abuuri karo, isla markaana uu ka dhalan karo kacdoon, waxaana ay tilmaamtay in aanu darbigaas waxba ku soo kordhi karin sugida amniga gudaha ee Kenya.