AF-SOOMAALI

Xarunta Baarlamanka Puntland oo la casriyeeyey & C/wali Gaas oo xariga ka jaray


Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta furay kal-fadhiga 39aad ee Baarlamaanka Dawladda Puntland.

Furitaanka Kalfadhigani ayaa waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Baarlaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi iyo kuxigeenkiisa koowaad, Masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Puntland, Wasiirka Dastuurka DFS, hay’addaha ka hawlgala Puntland, xildhibaano ka tirsan Barlamaanka DFS, Masuuliyiin ka socdey beesha caalamka, hay’addaha ka hawlgala Puntland iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Dawlaada Puntland oo si rasmi ah u furay kalfadhiga 39aad ee Baarlaanka Puntland ayaa sidoo kale xariga ka jaray hoolka baarlamaanka Puntland oo lagu sameeyey dib u casriyeyn, waxaana uu munaasimada Furitaanka kalfadhiga ka jeediyey khudbad taariikhi ah taasi oo uu xooga kusaaray waxqabadka xukuumada uu hormuudka u yahay madaxweynuhu mudadii u dhexaysey labada kalfadhi ee 38aad iyo 39aad.

Gaas oo ku dheeraaday xaalada nabadgelyada dalka ayaa sheegay in dawladda Puntland markasta ku heelantahay ilaalinta nabadgelyada, sharafta, cisiga, karaamada shacabka Puntland iyo sidii shacabkeedu nabadgelyo iyo xasilooni ugu warilahaa, waxaana uu ugu horayn ka hadlay wax qabka xukuumadu ka samaysay arrimaha amaanka.

Sidoo kale Madaxweynaha oo ka hadlaya arrimo la xidhiidha Fadaraalka ayaa sheegay in Dawladda si dhaw ula shaqayn doonto dawladda cusub ee ee Soomaaliya.

”Mudanyaal, sida aan la socono dalku hadda wuxuu u jahaystay hirgelinta hannaanka Federaalka, sidaa owgeed Dawladda Puntland waxay ka rajeynaysaa Madaxda cusub ee hadda hogaanka haya oo ay Puntland kusoo dhaweysay niyad-sami balaaran inay taabo-geliyaan hannaan Federaal oo dhab ah, lagana fogaado caqliyadii Dawlad dhexe oo xoog badan oo ah tii Soomaaliya ku bur-burtay” ayuu yiri Madaxweynuhu.