AF-SOOMAALI

Xaflad murashaxnimada RW Cumar lagu taageeray oo lagu Qabtay Sweden


Dalka Sweden magaalo madaxdiisa Stockholm hoolka shirarka iyo xafladaha ee Jubba Restaurant, waxaa habeenkii ay taariikhdu ahayd 9-9-2016 lagu qabtay xaflad lagu taageerayay musharraxa Madaxweyne Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo dhowr ayaamood ka hor ku dhawaaqay inuu u taagaan yahay tartanka doorashada madaxweynenimo ee Sanadkan 2016 oo ay ka dhici doono caasimadda Somalia ee Muqdisho.

Xafladdu oo ahayad mid taageero iyo duco ah waxaa ka soo qayb galay culimo, cuqaal, waxgarad, siyaasiyiin, macalimiin, saraakiishii hore, xildhibaano hore iyo kuwo cusub ee dalka sweden, dhallinyaro, arday, hooyooyin, af-maal (suugaan yahanno), fannaaniin, mas’uuliyiin hore, iyo mas’uuliyiin hadda ka shaqeeya degmada Spånga- Tensta (Stockholm) iyo bulshada qaybaheeda kale.Kulankaan, ayaa ahaa mid ku bilowday jawi xiiso badan, Waxaana lagu bilaabay Qur’aanka kariimka ah iyo duco.

Waxgaradkii hadlay ayaa waxay dhammaantood ka mahad celiyeen abaabulkii maamuuska xafladda, waxayna xuseen in Mudane Cumar Cabdirashiid leeyahay khibrad siyaasadeed, mid aqooneed iyo mid maamulba, lagana filayo haddii la doorto isbeddel Soomaali oo dhan ay kaga baxdo dhibaatada daba dheeraatay ee Soomaaliya heysata. Waxaan shakhsiyaadkii hadlay oo dhan ay Alle uga baryeen Mudane Cumar Cabdirashiid in uu ku guuleeyo masiirka talada dalka, isagana uu xasilooni, horumar, barwaaqo, kala danbayn iyo sharafkii dalka Soomaaliya ku lahayd caalamka uu soo celiyo.

Waxaa xafladda ka muuqday muuq soomaaliyeed oo ay dadkii ka soo qayb galay ka dhadhansanayeen midnimo Soomaaliyeed iyo wadjir niyad samid ku jirto, waxaana goobta taageerada ka lulanayay calankii dunida ugu quruxda badanaa uguna macanaha iyo tafsiirka fiicnaa. Dhanka kalena, waxaa dhegaha dadka ku soo dhacayay codad wadaninimo iyo murti, halhays dhiirigelin iyo waddan iyo dad jaceyl xanbaarsanaa.

Waxay xafladdani ahayd tii ugu horraysay ee ay qabtaan jaaliyadda soomaaliyeed ee Sweden, isla markaana ay ku taageereen Musharraxnimada Mudane Cumar Cabdirashiid.

Ugu dambeyntii munaasabada waxaa qadka telefoonka kaga qeybgalay Musharrax Cumar oo rintii u mahad celiyay dhammaan dadkii telefoonka ku maqlayay, wuxuuna ugu bishaareeyay in uu Safiir Soomaaliyeed u soo magacaabi doono, si danaha Soomaaliyeed iyo baahida loo qabo Safiir Soomaaliyeed loo helo.

Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ah ra’iisal wasaaraha kaliya ee Soomaaliya soo maray oo labo dowladood, weliba xilliyo kala duwan ka noqday Ra’iisal Wasaare. Wuxuu markii ugu horreysay Ra’iisal Wasaare ka noqday Dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Shiikh Shariif Shiikh Axmed, isagoo dowladdan hadda jirtana ra’iisal Wasaare ka ah.