AF-SOOMAALI

Weerar ka dhacay magaalada London


Magaalada London ee caasimada dalka Briain waxaa ka jira saaka xaalad jahwareer ah kadib markii xalay ka dhaceen weeraro loo adeegsady gaari iyo sidoo kale toorey, waxaana sii kordhaya khasaaraha ka dhashay weerardaasi.

Booliska Ingiriiska ayaa xaqiijiyey in lix qofood ay ku dhinteen 30 kalana ay ku dhaawacmeen kadib laba weerarar oo xalay ka dhacay bartamaha magaalada London.

Weerarada ayaa mid ka mid ahi loo adeegsaday baabuur lagu jiirsiiyey dad marayey buundada London Bridge ee bartamaha magaalada London, oo ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan magaalada London ee caasimada dalka Britain.

Weerarka kale oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa toorreey ayaa lagu midiyeeyey dad rayid ahaa, meel aanan ka fogeyn halka uu ka dhacay weerarka baabuurka loo adeegsaday.

Raysalwasaarahada Britain, Therasa May oo la hadashey warbaahinta ayaa sheegtay in weerarkan ay u tixgalinayaan mid argagixso, waxa ana si kulul u cambaareysay weeradadaasi shacabka lagu dilay.

Amaanka magaalada London gaar ahaan xarumaha waa weyn ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana magaalada lagu arkayaa ciidamo isugu jira booliis iyo Milatari oo si weyn amaanka u xaqiijinaya.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha weeraradan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah