AF-SOOMAALI

Wasaaradda amniga oo sheegtay in ay gacanta ku dhigtay madaxii amniyeedka Al-shabaab ee gobolka Banaadir


Isniin, June., 19, 2017 (HOL) – Wasiirka wasaaradda Amniga dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow [Ducaale] ayaa sheegay in ciidamada xisilinta caasimada gacanta ku dhigeen madaxii amniyeedka Al-shabaab ee gobolka Banaadir, kaddib howlgal ay ka sameeyeen Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Hay’adaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in la soo bandhigi doono darkaalkan ka tirsanaa Al-shabaab ee magaalada Muqdisho lagu qabtay.

Saraakiisha ciidamada NISA ayaa sheegay hawlgal qorsheysan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho in lagu beegsaday Sarkaalkan oo magaciisa lagu sheegay C/wahaab Khaliif Axmed, oo loo yaqaano Ciise Tarabuun.

Dowladda Soomaaliya ayaa sare u qaaday xaqiijinta ammaanka magaalada Muqdisho oo ciidamo la soo dhigay dhamaan Isgoysyada ku yaalla bartamaha caasimadda.