AF-SOOMAALI

Warar hor dhac ah oo ka soo baxaya shirka madasha wadatashiga


Warar hor dhac ayaa ka soo baxaya shirka madasha wadatashiga ee tan iyo Jimcihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho uga socda madaxda Qaranka iyo hogaamiyayasha dowlad gobolleedyada dalka ka jira.

Ilo xog ogaal ah oo ku dhaw dhaw shirka ayaa sheegaya in dood mudo dheer soo soctay kaddib hogaamiyayaasha madasha isku raacday in la qaadaco go’aankii gudiga madaxabanaan ee doorashooyinka ku laaleen 11 kursi oo ka mid ahaa xildhibaannadii lagu soo doortay xarumaha dowlad gobolleedyada dalka, kaddib markii lagu eedeeyay in ay ku soo baxeen sifo aan sharciga waafaqsaneyn.

Arrimahase wali leysku hayo ee aan go’aanka laga gaarin ayaa waxaa ka mid ah sidda laga yeellayo doorashada xubnaha aqalka sare ee gobollada W/qooyi, gaar ahaan xildhibaannada ka imanaya gobolada Sool iyo Sanaag.

Siddoo kale, hogaamiyayaasha ayaa dood adag ka leh waqtiga kama danbeysta ah ee la qabanayo doorashada guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha, kaddib markii lagu fashilmay xiligii horey loogu asteeyay doorashada.

Madasha ayaa la filayaa in ilaa maalinta beri ah soo saaraan go’aan kama danbeys ah oo la xiriira go’aankii guddiga madaxabanaan ee xalinta khilaafaadka ee lagu laalay 11 kursi iyo waqtiga kama danbeysta ah ee la qabanayo doorashada oo warar hor dhac ah sheegayaan in la gaarsiin doono ilaa 22ka bisha Janaayo ee sanadka 2017-da.