AF-SOOMAALI

War deg deg ah: Dowlada Somalia oo taageertay go’aankii xilka looga qaaday Madaxeweyne Xaaf


Wasaarada arrimaha gudaha ee xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa caawa soo saartay War-saxaafadeed ku saabsan xaalada siyaasadeed ee ka taagan Galmudug.

Qoraalka ayaa ku baaqay in la ixtiraamo go’aankii maanta uu gaaray baarlamanka Galnudug ee xilka looga qaaday madaxweynaha maamulkaas Axmed ducaale Geelle Xaaf.

War-saxaafadeedka goor dhow ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha oo nuqul ka mid ah loo soo diray Allbanaadir.com ayaa u qornaa sidatan: –

War-saxaafadeed W/Arrimaha Gudaha XFS ee xaalada GalMudug

1.Dawladda Federaalka Soomaaliya waxey ka wallaacsan tahay xasaradaha amni iyo siyaasadeed ee maalmahan ka soo cusboonaaday xarunta KMG ah ee maamulka GalMudug ee degmada Cadaado.

2.Dawladda Federaalku waxey cambaareyneysaa falalka aan waafaqsaneyn sharciga iyo hannaanka dimoqraadiga ee lagu xayiray dhaqdhaqaaqyada Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka GalMudug, waxeyna ku baaqeysaa in si deg-deg ah xorriyadooda loogu soo celiyo si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.

3.Dawladda Federaalku waxey ku baaqeysaa in la ixtiraamo go’aankii uu Baarlamaanka GalMudug gaaray maanta oo taariikhdu tahay 26 September 2017, loona hoggaansamo sareynta sharciga.

4.Dawladda Federaalku waxey fareysaa hay’adaha amniga inay ka hortagaan xasarad kasta oo keeni karta amni darro saameysa hay’adaha dastuuriga ah, waxeyna ugu baaqeysaa shacabka inay kaalin ka qaataan dhawrista nabadgelyada iyo xasiloonida deegaanka.