AF-SOOMAALI

Wafdigii Madaxweyne Farmaajo oo loogu soo dhoweeyey Doha


Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Doxa ee dalka Qatar ka dib markii ay dhameysteen booqasho dhowr cisho qaadatay oo ay ku joogeen dalka Jabuuti.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa maanta gelinka dambe soo gabegabeyeey safarkooda Jabuuti, waxayna uga sii gudbeen dalka Qatar oo ay casuumaad rasmi ah ka heleen Amiirka dalkaasi Sheekh Tamiim Bin Hamad Althani.

Waxa si diiran ugu soo dhoweeyey garoonka dayuuradaha Doxa masuuliyiin sare oo ka tirsan dowlada Qadar.

Safarkan oo ah kii 8aad ee uu farmaajo dibeda ugu baxo ka duwan safaradii hore isagoo isu maray saddex dal oo kala ah Sacuudiga Jabuuti iyo Qatar oo hadda uu joogo.

Madaxweynaha ayaa intii uu joogay Jabuuti Waxaa wada hadallo kula yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii labada dowladood ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha. Waxay isla garteen in la sameeyo guddi farsamo oo laba dhinac ah oo ay hawshiisu tahay dardargelinta qodobada la isla meel dhigay.