AF-SOOMAALI

Taliyaha & Abaanduulaha cusub ee ciidanka Xoogga dalka oo xilka la wareegay


Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka S/gaas Daahir Aadan Cimi iyo Abaanduulaha cusub ee Ciidankaasi S/guuto Odowaa Yuusuf Raage oo dhowaan uu magacaabay Madaxweynaha JFS, ayaa maanta si rasmi ah Xilka u wareegay, kadib munaasabad ka dhacday Xarunta Waxaaradda Difaaca Soomaaliya.

Munaaasabadda, ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta, Taliyahii hore iyo Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga, Saraakiil ka socotay Wadamada saaxiibka la ah Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga dalka S/gaas C/wali Jaamac Gorod ayaa waxaa uu munaasabada ka sheegay in muddadii uu xilka hayay uu waxbadan ka badalay shaqada taliska, isagoona tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta wareejiyo xilka taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Taliyaha cusub ee Ciidanka xoogga dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indho-qarshe), ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii dalka oo dhan Al-shabaab looga Xoreyn lahaa.

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga XFD Mudane Xasan Cali Maxamed, ayaa faray Saraakiisha inay si daacad ah ula shaqeeyaan Taliyah cusub ee ciidanka xoogga dalka, isagoona xusay in dhankiisa uu si dhow ula shaqeyn doono.