AF-SOOMAALI

SOMALILAND: Baasaboorada Somalia laguma soo geli karo Madaaradda Somaliland oo Dhan


Xukuumadda Somaliland ayaa maanta mamnuucay Baasaboorka Somalia ee sida qarsoodiga ah loogu samayn jiray Somaliland in aan madaaradda lagaga dhoofi Karin, isla markaana aan lagu soo gali Karin.

Taliyaha laanta socdaalka Somaliland, Jeneraal Maxamed Cismaan Caalin (Dayib), iyo Agaasimaha arrimaha gudaha Somaliland Cabdifataax Siciid Maxamed oo sida wada jir ah shirjaraa’id ugu qabtay magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in gabi ahaanba aan SOmalilnad lagu soo gali Karin, lagana bixi Karin Paasapoorka Soomaaliya ee lagu dhex sameeyo Somaliland, waxaanay sheegeen in qalabkii lagu samayn jirey in badan qabteen.

“Maanta waxaa aanu ka hadleynaa arin aanu hore uga hadalney oo ku saabsan paassaboorka foojariga ah ee dalka Soomaaliya ee lagu dhex sameeyo Somaliland,waxaana aanu cadeynaynaa in aan paasaporadaasi lagu bixi Karin, isla markaan aan lagu soo gali karin Somaliland cidii arintaasi lagu qabtana ay tahay danbiile qaran”ayuu yidhi Agaasimaha Arrimaha Gudaha Cabdifataax Siciid.

Agaasimuhu waxa uu intaas ku daray inay qabteen qalabkii lagu samayn jiray, isla markaana kuwo kalena u daba jiraan soo qabashadoodda, waxaanu yidhi ” waxaa kale oo aan halkan ka shaacinayaa in qeyb badan oo ka mid ah qalabka lagu sameeyo passporadaas aanu gacanta ku soo dhigney walina waan ku daba jirnaa kuwa kale ”

Sidoo kale, waxaa isagana arrintan ka hadlay taliyaha laanta socdaalka Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Cismaan Caalin (Dayib) waxaana uu sheegay in paasaboorka Soomaaliya ee ay mabnuuceen uu yahay ka foojariga ah ee lagu soo qoray waxaa laga bixiyey gobol ka mid ah Somaliland sida (Paasaboorkanwaxaa laga bixiyey Hargeysa , Burco, Borama Ama Laascanood ) oo kale waxaana uu yidhi”Paasaporka aanu diidanay ee aanu dalka ka mabnuucney waxaa weeye ka foojariga ah ee ay ku qoran tahay waxaa la bixiyey Somaliland , pasapoorka caadiga ah ee dalka Soomaaliya waxa uu la mid yahay Passaporada dalalka kale, balse ka aanu uga digeyno bulshada Somaliland waa kaas foojariga ah cidii sidatana waanu uga digeynaa ”

Ugu dambeyn, Warbaahinta Gudaha ayaa Maalmahaan dambe baahinayay in baasaboorka Somalia lagu dhex sameeyo gudaha Somaliland, isla markaana ay wakiilo laanta Socdaalka Soomaaliya ahi u joogaan wadanka, kuwaas oo gudaha Somaliland ku dhex bixiya, halka qaarkood dad ganacsato ahi ku dhex sameeyaan, kuwaas oo ay ku qoraan Paasaboorkan waxa laga bixiyey magaalooyinka Somaliland.