AF-SOOMAALI

Sidee loo maamuusay 73- guurada ka soo wareegtay aasaaskii ciidammada booliiska


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo taliyaha ciidammada Boliiska Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho uga qeyb-galay munaasabadda xuska 73-aad ee ciidammada Booliiska Soomaaliyeed.

Boliiska Soomaaliya waa 73 jir hadda, waa hey’ad fac weyn, munaasabadooda aas-aaska ayeey u dabaal daggeen, waxaa ka qeyb-galay madaxweynaha dalka ahna taliyaha guud ee ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, taliyaha ciidammada Boliiska, S/ Gaas Maxamed Xasan Sheekh Xaamuud, wasiirka Amniga Gudaha, duqa Muqdisho sarreeyeyaasha ciidanka iyo taliyeyaasha kale ee ciidammada Soomaaliya.

Qeybaha Birmadka, Saraakiisha, Gabdhaha, ciidammada Nabad-galyada waddooyinka iyo qeybo kale ayaa soo bandhigay Gaadda ka cayaar qurux badan, waxaana sanandkaan ka muuqdey Boliiska qaab dhismeed iyo isbaddel qalab oo xoog leh, madaxweynaha iyo taliyaha ciidanka ayaana salaanta wadajir u qaadanayey, Munaasadduna waxa ay ka dhacdey xarunta Gaadiidka Boliiska ee degmada C/casiis.

Sidoo kale laanta Miina Baarista ee booliiska ayaa soo bandhigay hababka looga hortago Qaraxyada wax dila, iyadoo Fannaaniinta Kooxda Heegan iyo fannaaniin kale ay soo bandhigeen Heeso maalintaan ka hadlaya.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, ayaa hambalyo kaddib uga mahadceliyey Boliiska gaar ahaan qeybta gobolka dedaalka ay ku bixiyaan nabadda caasimadda, maamulkuna uu ku taageerayo arrintaasi.

Taliyaha ciidammada Boliiska Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa ugu hambalyeeyey munaasbadda 73-aad Boliiska, waxa uu u mahacelieyey dhammaan hoggaannadii ciidanka soo qabtay, waxaa uu ka hadlay waxyaabaha u qabsoommay sannadkii tagay, mashaariicda u hirgashay iyo
aqoonyahanno cusub oo Boliiska Soomaaliya ku soo biiray, Taliyaha, ayaa sheegay in dowladda soo socota looga baahan yahay in ay miisaaniyadda ciidanka ay ku Jaangeyso baaxaddiisa, maadaama isbadel horumar uu jiro.

Wasiirka Amniga Gudaha, ayaa Hambalyo u diray ciidanka, waxa uu si kooban ugu mahadceliyey hey’adaha kala duwan ee ciidanka Boliiska ka taageera tababarrada iyo Qalabbeynta.

Madaxweynaha J. Soomaaliya ahna taliyaha guud ee Ciidammada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu horreyn ugu hambalyeeyey ciidammada Booliiska sannad-guuradooda 73-aad iyo guulaha waa weyn ee ay dhanka amniga ka soo hoyeen, waxa uu ku ammaanay taliyaha ciidanka biseylka cusub ee uu u horseedey ciidanka sannadkaan. Sidoo kale madaxweynaha, ayaa arrin muhiim ah ku tilmaamay doorka Gabdhaha Soomaaliyeed laga siiyey in ay ka mid noqdaan booliiska Soomaaliya.

Madaxweynaha J Somaaliya, Xasan Sheekh Max’uud, ayaa sheegay in Boliiska Soomaaliya uu ka mid yahay hadda hey’adaha caalamka, sidoo kale waxa uu u mahadcelieyey dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya ee gacanta siiya ciidammada Boliiska ee xasiloonida ka shaqeeya.

Ciidammada Boliiska Soomaaliyeed oo la aas-aasay 1943-adii waa hey’adda amni ee ugu faca weyn dalka, waxa ayna door lixaad leh ka qaataan nabadda iyo xasiloonida Jamhuuriyadda, si bulshaduu hesho adeeg nabadgalyo oo ku filan, Boliiska Soomaaliya sannadkaan waxa uu u muuqdaa mid si xowli ah u dhismay.