AF-SOOMAALI

Shirkii looga hadlayey arrimaha Soomaaliya oo lagu soo gebagebeeyey London (Daawo Sawirro)


Magaalada London waxaa lagu soo gabagabeeyay shirkii looga hadlayay arrimaha Soomaaliya oo ay marti gelineyso dowladda Britain.

Madaxweyne Farmaajo, wasiirka arrimaha dibeda ee UK iyo xoghayaha guud ee QM ayaa si wadajir ah shir jaraaid u qabtay gebagebadii shirka.

Farmaajo ayaa u mahadceliyay hoggaamiyeyaasha caalamka iyo qurbo joogta Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay ka jawaabeen baaqii dowladdiisa ee ahaa in gargaar lala soo gaaro shacabka ay abaartu ku habsatay.

Madaxweyno Farmaajo wuxuu sidoo kale sheegay in abaaraha dalka ka jira ay barakiciyeen ilaa 600,000 oo qof tan iyo bishii Nofembar ee 2016, wuxuuna ugu baaqay caalamka in laga hortago in dalka ay ka dhacdo xaalad bani’aadanimo iyo sidoo kale in diiradda la saaro sidii looga soo kaban lahaa abaarta.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa carabka ku adkeeyay ahmiyadda ay leedahay alkumidda barnaamij ay Soomaalida hormuud u tahay oo lagu tababarayo ciidammada qaranka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibeda e Britain ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay iskaashi dhaw oo ku aadan qaabka loo wajahayo dhismaha ciidan qaran oo ay Soomalaiya leedahay.

Madaxda ka qeybgashay shirka ayaa si weyn uga hadashay xaaladda ammaanka Soomaaliya iyo sidii Soomaaliya looga caawin lahaa inay si buuxda ula wareegto masu’uuliyadda ammaankeeda, waxaana goor dhow la shaacin doonaa war murtiyedki ka soo baxay shirkaas.