AF-SOOMAALI

Ra’iisal wasaare Kheyre oo la kulmay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey


Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka waxa uu kulan gaar ah kula qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

Kulanka labada dhinac yeesheen ayaa looga hadlay arimo muhiim ah sida Xaalada Soomaaliya iyo sidii Hay’adaha Qaramada Midoobay u xoojin lahaayeen taageerada ay siiyaan Soomaaliya oo xiligan kasoo kabaneysa Dhibaatooyinkii la degay.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku amaanay hogaanka dowlada Federaalka Soomaaliya guulaha ay gaareen inta ay xilka hayeen, waxa uuna balan qaaday in ay xoojin doonaan taageerada ay Soomalaiya siiyaan.

Ra’isul Wasaarah Xukuumada Soomaaliya ayaa dhankiisa u sheegay Xoghayaha Guud ee Qaramada MIdoobay in dowlada Soomaaliya ay wado dadaalo xoogan , waxa uuna sheegay in ay jiraan caqabado dowlada kasoo wajaha arimaha Bini’aadanimada iyo sidoo kale Siyaasada.

Ra’isul Wasaaraha XUkuumada Soomaaliya ayaa magalaada new York kaga qeyb galay Shirka golaha GUud ee Qarmaada Midoobay, waxa uuna shirkaasi ka jeediyay Khudbad xasaasi aheyd uu uga hadlayay xaalada Soomaaliya.