AF-SOOMAALI

Ra’iisal wasaare Kheyre oo la kulmay dhiggiisa Itoobiya


Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa kulan la qaatay dhiggiis dala Itoobiya Abiy Ahmed.

Labada mas’uul ayaa kulankan uga wada hadlay qodobo ay ka mid yihiin kobcinta dhaqaalaha, Horumarinta caafimaadka, waxbarashada, iyo amniga guud ahaan gobolka gaar ahaan sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka argagixisada.

Wasiirka Qorshaynta Xukuumadda Fedetaalka, Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda, safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya iyo xubno ka socda xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa ku wehliyay Ra’iisal wasaare Khayre kulanka uu la qaatay ra’iisal wasaaraha Itoobiya.

Kulankaan ay Addis Ababa ku yeesheen labada Ra’iisul Wasaare ayaa noqonaya kii u horreeyey tan iyo markii uu Abiy Ahmed noqday Ra’iisul wasaaraha dowladda Itoobiya.