AF-SOOMAALI

Qarax lala beegsaday Ciidan ku Sugnaa Isgoyska Sayidka ee Muqdisho iyo Rasaas lagaa Maqlaayo goobta qaraxa


Qarax loo Adeegsaday Gaari Miineysan, ayaa Goor-dhaw lagu weeraay ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Somalia oo ku sugnaa Agagaarka Isgoyska Sayidka ee Muqdisho, Waxaana Goobta Qaraxu ka dhacay laga maqlayo rasaas la is-weydaarsanayo.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan, oo ahaa mid culus, waxaana saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya ay xaqiijiyeen in gaari miineysan lagu weeraray ciidammo isku diyaarinayay Sugidda Ammaanka Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Isgoyska Sayidka ayaa habeen walba waxaa lagu diyaariyaa ciidammo ka mid ah kuwa Amniga ee Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM oo Iska-kaashada Sugidda Nabad-galyada Muqdisho xilliga habeenkii ah.

Hay’adaha Amniga Dowladda Federaalka Somalia ayaa weli ka hadlin Qaraxan iyo weliba rasaasta tooska u dhacaysa, sidoo kalena ma jirto cid weli sheegatay inay ka tahay mas’uul weerarkan.