AF-SOOMAALI

Qalabka lagu maamulayo hawada Soomaaliya oo lagu diyaarinayo Muqdisho


Waxaa ka bilowday magaalada Muqdisho diyaarinta iyo rakibaada qalabka lagu maamulayo hawada Soomaaliya oo dhowaan dalka la soo gaarsiiyey.

Rakibaada qalabkan ayaa si habsami leh waxay uga socotaa Xarunta Hey’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada.

Talaabadan ayaa qeyb ka noqoneysa dedaalada dowladda Soomaaliya kula soo wareegeyso maamulka Hawada Soomaaliya oo 27kii sano ee la soo dhaafay ay gacanta ku heyso heyadda QM ee ICAO.

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa sheegay inay meel fiican mareyso howsha ku saabsan diyaarinta qalabka laguy hagayo dayuuradaha soo gala hawada Somalia, sida ugu dhaqsiyaha badana loo dhameystirayo.

Maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle) ayaa isna sheegay in talaabadan ay muujineyso iney dib u soo xoogeysaneyso Qaranimadii Somalia.