AF-SOOMAALI

Qaar ka mid ah musharixiinta xilka madaxweynaha oo qaadacay dooddii maanta loo ballansanaa


Musharaxiinta ka qayb-galaya doorashada Somalia ayaa gabi –ahaanba diiday in ay ka qayb-qaataan dood dhex-maraysay musharaxiinta oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ka dib markii ay ka war-heleen in dood-dooda kaliya laga sii dayn doono TV-ga Qaranka Somalia.

Inta badan musharaxiinta ayaa door-bidayay in ay soo hor-istaagaan dad-weynaha ,isla markaana ay la wadaagaan khibrad-dooda bulshada Somaliyeed ,waxaana arintan baajiyay sida la sheegay Internet-ka oo ka maqnaa qaybo kamid ah Koonfurta Somalia.

Gud-diga doorashada iyo Musharaxiinta ayaa horey isula meel dhigay in dood-da si toos ah looga qaadan karo Tv-ga Qaranka ,iyada oo ay sii baahinayaan Tv-yada kale, taasi oo la sheegay in ay suurtagal ka dhigayso in dood-da aan wax ka badal lagu samayn karin.

Qaar kamid ah musharaxiinta ayaa sheegay in dowlad-da oo og in uu Internetka maqan-yahay la bilaabay dood-da ,taasi oo ay ku sheegeen in ay abuuri karto kalsooni darro la xiriirta habka loo maamulayo doorashada.

Ugu danbayn, guddiga doorashada oo horey dood-da musharaxiinta ugu asteeyay 31 bishan ayaan wali ka hadlin dib u dhacan ku yimid dood-da ,waxaana qaar kamid ah siyaasiyiinta ku sugan Muqdisho ay saadaaliyeen in ay suurtagal tahay in maalin kale lagu daro jadwalka doorashada.