AF-SOOMAALI

Prof Cismaan Max’uud Dufle oo ku guuleystay xubinnimada aqalka sare maamulka Hirshabeelle


Prof Cismaan Max’uud Dufle ayaa ku guuleystay kursigii labaad xubinnida aqalka sare ku matallaya dowlad gobolleedka Hirshabeelle.

Prof Dufle ayaa hellay 85 cod, halka musharixii la tartamayay oo lagu magacaabo Jaamac Xusseen Xaanshi uu hellay 12 cod, iyadoo mudanayaasha baarlamaanka codadkooda dhiibatay gaarayeen 97 xildhibaan.

Doorashada ayaa ilaa iyo hadda ku socta jawi degan, waxaana muuqata in labada xildhibaan ee ilaa iyo hadda soo baxay ee guuleystay helleen codadkii ugu badnaa xildhibaannada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.

Cismaan Axmed Macoow oo noqonaya xildhibaankii ugu horeeyay ee loo doorto xubinnimada aqalka sare, ayaa hellay 73 cod, halka Prof Dufle oo noqonaya xildhibaankii labaad ee la doortay aqalka sare uu ku guulleystay 85 cod.

Guddoomiyaha baarlamaanka Cismaan Barre Max’ed ayaa sheegay in Salaad iyo Qado kaddib leysku soo laaban doono 2.00 duhurnimo, si halkaa looga sii waddo doorashada lixda kursi ee dhiman.

Ugu danbeyntii, doorashadan maanta ka socta magaalada Jowhar ayaa qeyb ka ah doorashada xubnaha labada aqal, madaama horay dowlad gobolleedyada kale ee dalka jira u soo gudbiyeen xubnihii ku matalli lahaa aqalka sare