AF-SOOMAALI

Maxaa laga filan karaa maalinta Berri ah kulanka xildhibaannada Golaha Shacabka


Ma’aha wax ku cusub dhagaha shacabka Soomaaliyeed in ay maqlaan khilaaf soo kala dhaxgalay xildhibaannada Golaha Shacabka, laakiin arinta ku cusub khilaafka ayaa ah in markan guddoonkii Golaha Shacabka isku dhaganyahay islamarkaana dhinac walba uu hogaaminayo tiro xildhibaanno ah oo aan cadadkooda la ogeyn.

Fadhiga xildhibaannada Golaha Shacabka ee maalinta Berri ah loo balansan yahay ayaa u muuqan kara mid waji cusub u yeeli doona taariikhda khilaafaadkii taxanaha soo ahaa ee soo marayBaarlamaanka Soomaaliya, madaama guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo ku-xigeenkiisa Koowaad mid walba oo ka mid ah isku arakayo kan xaq u leh in uu shir guddoomiyo fadhiga Golaha..

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo malintii shalay hadlay ayaa sheegay in kulanka ugu soo horeeya ee maalinta Sabtida ah dhacaya Baarlamaanku guda-gali gali doono ka doodista arrimo xasaasi ah sida xiisada ka taagan degmada Beled-Xaawo.

Halka dhinaca kale guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Muudeey sheegay in Ajandaha Berri noqon doono mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Waxaan meesha ka marneyn in ay jiraan xildhibaanno gadaal ka riixaya mid walba oo ka mid ah Labada mas’uul, taasoo dad badani u fasiran karaa in ay keeni karto fowdo iyo in uu dhaco qalqalsiyaasadeed oo dalka ku yimaada.

Haddii uu mid walba ku adkeysto Ajandihiisa waxaa ay dad badan u arkaan in leysku qaban doono Kursiga guddoonka Golaha Shacabka, madaama Cabdiwali Muudeey iyo xildhibaannada taageersan qabaan in Jawaari uusan shir guddoomin karin fadhiga maalinta Berri ah, madaama waxaa laga doodayo uu yahay mooshin isaga ka dhan ah.

Halka dhinaca kale xildhibaannada taageersan u arkaan in Goluhu qabsanayo mid ka mid ah fadhiyadiisii caadiga ahaa sidaa daraadeed ay tahay in uu shir guddoomiye Prof Jawaari.

Marka aad si wanaagsan u dhageysato dooddaha xildhibaannada iska soo horjeeda iyo fariimaha ay isku marinayaan warbaahinta waxaa ku soo baxaya in dhinac walba uu dhinaca kale u arkayo in uusan heysan wax sharciyad ah, gaar ahaan marka laga hadlayo xaqa hogaaminta Golaha Shacabka.

Khadiijo Maxamed Diiriye oo wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha xukuumadda Soomaaliya, islamarkaana ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegtay in guddoomiye Muudey yahay shir guddoonka Golaha Shacabka inta meel lagu hubsanayo mooshinka guddoomiye Jawaari.

Halka dhinaca kale xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan mudanayaasha ka soo horjeeda mooshinka uu qabo in mooshinku sharci ahaan meesha ka baxay, sidaa-daraadeed baarlamaanku yeelanayo fadhiyadiisii caadiga ahaa.

Lama sii saadaalin karo sida uu muuqaalka Golaha Shacabku noqon karo, laakiin arintan oo kale waxaa ay ka dhacday maamulka Somaliland oo ay gacanta iskula tageen guddoomiyihii Waqtigaa Cabdiraxmaan Cirro iyo ku-xigeenkiisa oo isku qabtay hogaanka Golaha Wakiilada.