AF-SOOMAALI

Mareykanka iyo Ingariiska oo u digay cidii ku xad gudubta doorashada Soomaaliya


Dowladdaha Mareykanka iyo Britain ayaa digniin culus ka soo saaray musuq maasuqa Soomaaliya, gaar ahaan labada dowladood ayaa u digay dadka heysta dhaqalashoodooda ee ku lug yeeshay musuq maasuqa.

Dawlada Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in ay tilaabo ka qaadi doonto Soomaali Mareykanka dhibaatada ku ah hannaanka doorashada ee Soomaaliya.

Waxaa qoraal arintan la xiriira la soo dhigaytwitterka ee safaarada Mareykanka ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Harriett Mathews ayaa ka jawaabtay farriintaa ayadoo sheegtay in sidoo kale qodobka Ingiriiska ee ka dhanka ah laaluushka uu qabanayo muwaadiniinta Ingiriiska ah ee doorashooyinka uga qeyb-gala meel ka baxsan dalka Britain.

Waxay dabcan sidaa ugu goodinaysay ama ugu digeysay Soomaali Ingiriiska lugta ku leh doorashada Soomaaliya!

Digniinnahan ayaa daba socday baaq ay wada jir u soo saareenmaalin ka horn Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub, IGAD iyo QM iyo weliba dalal kale oo qaarada Yurub kuyaala.

Bayaankaa ayaa walaac looga muujiyay wax isdaba marin hannaanka doorashada Soomaaliya lagu sameeyay.

Ugu danbeyntii, dad badan ayaa u arkaya farriimahan faragalin ka dhan ah madax bannaanida dalka Soomaaliya iyo hannaankiisa doorasho.